Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Labada  Aqal  ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), ayaa maanta fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen inay  xukuumadda Somaliland ay ka qeyb gasho shirka dawladda Britain ku qabanayso Magaalada

 

London 23-ka bishan.
Fadhigan wada jirka ah ee Labada gole oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi  (Cirro),  oo ay ka xaadireen 109 mudane oo ka mid ah 168 mudane ee ay ka kooban yihiin labada aqal . ka hor intii aanay gelin mawduucaa ajandaha kulankaa wada jirka ah,  waxa khudbad ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahii Cumar oo Xildhibaanadda labada gole sharaxaad kooban  ka siiyay shirka London  iyo ahmiyada uu Somalialnd u leeyahay, isagoo sheegay inaanu shirkaasi haba yaraatee wax saamayn ah ku lahayn qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaanu ku dooday inay Somaliland ay warbixin dheer oo ku saabsan masiirkeeda iyo waxqabadkeedii labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay ka jeedin doonto madasha shirkaa  oo ay ka qeyb galayaan in ka badan afartan wadan.
Wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland ugu jirin qorshaha khariirada nabadda ee Soomaaliya,  hase yeeshee ay shirkaasi ka  khuseeyo qodobada kale ee lagu gorfayn doono ee ay ka midka yihiin la dagaalanka budhcad badeedda iyo argagixisadda.
Warbixinta wasiirka arrimaha debeda  ka dib waxay  Mudaneyaasha labada Gole ay wax ka bedel  iyo kaabis ku sameeyeen qaraarkii sharci ee ay  laba gole hore ugu mamnuuceen  sagaashanaadkii in Somaliland ka qeyb gasho shirarka Soomaaliya, iyadoo la raaciyay farqad odhanaysa xukuumadda Somaliland waxay ka qaybgeli kartaa shirkasta oo ay ku jirto danta Somaliland, isla markaana aan waxba yeelayn qaranimadeeda iyo madaxbanaanideeda  iyo qodobka kale oo gudoomiyuhu yidhi, “Qodobka labaadna waxa weeye maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan”  waxayna  mudanayaashu cod  aqlabiyad ah ku meel mariyeen in xukuumadda Somaliland ka qeyb gasho shirka London waxaana ogolaaday 101 Mudane, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka 4 Mudane ay ka aamuseen ,  iyadoo aanu Guddoomiyuhu codayn.
Fadhigan wada jirka ah ee Labada Gole ayaa ka dhashay kulan qado sharafeed  ah oo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay ugu sameeyay  mudanayaasha laba aqal Huteelka Maansoor, kaas  oo uu uga xog-waramay shirka  Lomndon iyo ahmiyada uu Somaliland u leeyahay.
Madaxweyne Siilaanyo Sidoo kale wuxuu kulamo la yeeshay  xisbiyada qaranka iyo ururada siyaasadda ee dhowaan is diiwaangeliyay, Salaadiinta iyo madaxdhaqameedka iyo Ururada Bulshada, kuwaas  dhamaantood waafaqay inay xukuumadda  Somaliland ka qaybgasho shirkaa, waxayna dhamaan kulamadaasi ka danbeeyeen, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay inay Somaliland haddii ay shirkaa ka qaybgelay iyo haddii aanay ka qaybgelaynba talo qaran ka yeelanayso, isla markaana xukuumaddiisu ku go’aan qaadanay waxa kasoo baxa taladaa qaranka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *