Washington (ANN)kooxda lagu magcabo Patriotic Millionaires  ee  Maraykanka  oo tiradoodu lagu qiyaaso inay ka badantahay 200, isla markaana  ah dadka sanadkii lagu qiyaaso macaashkooda 1Milyan dolar  oo ay  ku jiraan dad caan ah ayaa sheegay inay

bixinayaan lacagta cashuurta ay bixin jireen mid ka baddan. Si loo badbaadiyo dhaqaallaha maraykanka, isla markaana loo helo shaqooyin.
Lix xubnood  oo ka socday Kooxda  Partriotic  ayaa sidaa ka sheegtay kulan ay Washington ku yeesheen  subaxnimadii Arbacadii todobaadkan kooxda iyagu qorshahaa cashuur kordhinta diideen ee lagu magcaabo  Norquist . doodaha ka dhashay kulankaa ayaa keenay in Tusaale loo soo qaato burburka iyo dawlad la’aanta ka jirta Somalia, iyadoo loogu baaqay kuwa diidan Cashuurta inay u guuraan Somalia, halkaas oo ay sheegeen inay ka jiraan qabaa’il, isla markaana aanay suurta gal ahayn in cashuur lagu weydiiyo, balse kooxda diidan korodhka cashuurta ayaa ku doodaya in dawladda looga baahanayahay xuquuqda asaasiga  iyo waxyaabaha damaanad qaadaya xaqooda, iyagoo  dood dheer kadib xusay inay bixinayaan  cashuurta. Laakiin ay shuruudo ku xidheen ogolaanshaha qorshaha lagu kordhinayo cashuurta. 
Doodahan ay isku waajaheen kooxaha haga siyaasada iyo dhaqaallaha Maraykanka  ayaa dhaliyay in loo soo jeediyo kuwa ka horymi qorshaha cashuurta lagu kordhinayo inay u guuraan Somalia si ay uga badbaadaan in laga qaado wax cashuur ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *