https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=133b75c2ad693627&attid=0.1&disp=inline&realattid=file0&zwHargeysa(ANN)Dadweynaha ku dhaqan degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku hanjabay in ay gacmahooda wax kaga qabanayaan warshado ku yaal duleedka magaaladaas oo sun ay isticmaalaan halis ku tahay nolosha dadka iyo duunyadaba. Laba warshadood

oo mid ka mid ah ay leeyihiin ganacsato u dhashay dalka Shiinaha iyo mid uu maalgashaday muwaaddin reer Somaliland ah, kuwaas oo ku yaal hareeraha dooxa weyn ee mara magaalada Dahar-budhuq, ayaa keenay halis caafimaad oo ka dhalatay sunta ay u adeegsadaan hoodhinta hargaha oo ay ku shubaan goobo aan ka durugsanayn dooxaasi oo ay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, taas oo la xaqiijiyey inay u dhinteen ilaa 17 qof qaar kalena la ildaran yihiin oo saamaysay noloshooda, kadib markii ay jidhkooda gashay suntaas oo urteedu ku faaftay dhul aad u ballaadhan oo degaankaas ah.

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=133b75c2ad693627&attid=0.2&disp=inline&realattid=file2&zw
Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo booqday degaankaas, maamulka, odayaasha iyo waxgaradka Degmada Laasgeel, ayaa si wadajir ah baaq culus ugu diray shalay xukuumadda Somaliland oo ay ka dalbeen inay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatada caafimaad-darro iyo degaan ee ka dhalatay suntaa warshadahaasi u adeegsanayaan midginta hargaraha, iyaga oo odayaashu sheegay in ay muddo badan codsadeen wax-ka-qabashada arrintan, iyagoo ku hanjabay in iminka wixii ka dambeeya ay gacmahooda ula tegi doonaan.

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=133b75c2ad693627&attid=0.3&disp=inline&realattid=file3&zw
Mr. Maxamed Xasan Faarax oo ka mid ah odayaasha degmada Laasgeel, ayaa ka warramay waxyeellada sunta warshadahaasi ku hayso, waxaannu yidhi, “Adduunyada tan oo kale nagumay soo marin, ummad dhan oo dad, xoolo iyo degaan leh oo la dhex dhigo sun dilaa ah.
Xoolaha degmada iyo agagaarkeedu muddo sannad ah may dhalin, neef sannad jiray ma jiro mid ka wayn mooyee, dadkii waxa ku dhacay wax la moodo beer xannuun oo aannu joonis moodaynay.”
“Annaga way naga dhammaatay dacwad iyo dawlad wax u sheeg, iminka waxa uu go’aan naga taagan yahay wixii aannu yeeli lahayn bal illeyn inay wax naga hadhaan ummad dhan oo sumaysan baannu nahaye, sababta oo ah isma lihin cid baa idin soo gurmad doonta cid tallaabo ka qaadayna ma jiraan,” ayuu yidhi Maxamed Xasan.

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=133b75c2ad693627&attid=0.4&disp=inline&realattid=file4&zw
Sidoo kale, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ka mid ah xubnaha Guddiga Qandaraasyada ee degaankaas booqday, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka caafimaad-darro ee suntani leedahay, waxaannu yidhi, “Saamaynta suntan leedahay weliba maadada karoomka la yidhaa inay wax kasta oo noole ah madhalays ka dhigto dad; xayawaan ama dhir ha noqdee, waxa laga qaadaa kansarka ku dhaca sambabada iyo dhiigga, waxay waxyeellaysaa xubnaha bani’aadamka ee ay ka midka yihiin beerka, kelyaha iyo unugyada dhiigga cas. Warbixin ay diyaarisay hay’adda Qaramada Midoobay ee FOA waxay sheegtay in warshadaha sameeya wax-soo-saarkan loo soo raray waddamada horumarkoodu liito.”
Waxa kaloo uu dadweynaha ku wargeliyey inay sameeyaan gadood ay kaga hortagaan dhibaatada haysata, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto khatarta warshadahaasi ku hayaan degaanka, “Dadku aad bay u kacsan yihiin oo waxay leeyihiin mar haddii dawladdii hore iyo tan hadda joogtaaba aanay waxba ka qabanayn annaga ayaa wax ka qabanayna, markaa inta aanay xaaladdu meel xun istaagin in wax laga qabto ayaannu soo jeedinaynaa,” ayuu yidhi Cabdillaahi Abokor.
Waxa uu intaa ku daray ka sakow dhibaatada caafimaad-darro in warshadda Shiinuhu aanay shaqaalaha ka hawlgal siin wax mushahar ah ee gunno yar la siiyo maalinta ay shaqeeyaan oo keliya, isla markaana aanay wax xuquuq ah ku lahayn, iyagoo markii la aasaasayey ballanqaaday in 250 ay shaqaalaysiin doonaan, balse iminka ka shaqeeyaan wax aan gaadhayn 10 qof.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Ilaalinta Degaanka Mr. Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay warshadahani wax ruqsad degaan ah ka haysan wasaaraddiisa.
“Horta warshadahan iyo kuwa kaleba waa inay ruqsad ka haystaan Wasaaradda Degaanka meesha la dhigayo, dhulkan waxa bixiyey dawladdii hore, laakiin wasaarad ahaan dib baannu u baadhnay inay wax oggolaansho ah u haystaan meesha ay degan tahay waannu ka waynay wasaaradda, markaa wax oggolaansho ah oo ay meeshan ku degan yihiin degaan ahaan ma jirto.”
Waxa uu Agaasimuhu amar ku bixiyey in aan wasakh dambe oo wershadahaasi leeyihiin ah dhulka lagu shubi karin, “Dhibta jirta ee suntani leedahay waa mid la arkayo oo ma qarsoona, dad fara badana saamaynteedu way soo gaadhay. Annagu wasaaradda ahaan muddo ilaa bil iyo badh laga joogo waxaannu u soo qornay warqad aannu leenahay ka joojiya wasakhda sunta halka aad ku shubtaan, laakiin dheg iyo jalaq midna umay dhigin.”
Iminka waxaannu amar ku bixinaynaa oo aannu Guddoomiyaha degmada iyo ciidanka booliska ku wargelinaynaa in aan wax dambe haba yaraatee dhulka lagu shubi Karin ilaa inta laga wadahadalyo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax.
Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Mr. Axmed Muuse Cabdi, ayaa isaguna sheegay in dhibaato badai degaanka ka soo foodsaartay labada warshadood ee midkood muwaddinku leeyahay, midna Shiinuhu, kuwaasoo oo uu xusay I shaqadooda iyo suntan ay isticmaalaan isku mid tahay, “Amarrada maamulka siiyo ee xaquuqda shaqaalaha, ammaankooda iyo qaababka ay u shaqaynayaan way ku kala duwan yihiin labada warshadood oo ta ninka muwaaddinka ah leeyahay wixii dawladda ama maamul-degaan ahaan u soo jeediyaan wuu u dhego-nugul yahay,” ayuu yidhi Mr. Axmed Muuse.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay Madaxtooyada Somaliland, hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda ee arrintani khusayso in si degdeg ah looga hawlgallo sidii degaankaas looga joojin lahaa sunta warshadahaasi isticmaalaan oo dad iyo duunyaba halis ugu jiraan masiibo kaga timaad maaddo sun ah oo loo adeegsado wax-soo-saarka hargaha ee warshadahaas.
Siciid Yaasiin Daahir oo ka mid ah shaqaalaha warshadda Shiinuhu maalgashadeen oo muddadii uu shaqaynayey dhaawacyo soo gaadheen, ayaa warbaahinta u sheegay in isagoo shaqada ku jira ay alaab ku soo dhacday, kadibna lug ka jabay, sidoo kalena madaxa ka gaadheen dhaawacyo halis geliyey noloshiisa, balse aannu wax xaq ah oo uu isku daweeyo ka helin warshaddaas.
Waxa kaloo halkaasi ka hadlay madaxa xarunta caafimaadka ee degmada Dacar-budhuq Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Aadan Maxamuud Cali oo ka mid ah ganacsatada, waxaanay soo jeediyeen baaqyo la mid ah kuwa masuuliyiinta kale soo jeediyeen.
Xigasho Jamhuuriya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *