Washington (ANN)kooxda lagu magcabo Patriotic Millionaires ee Maraykanka oo tiradoodu lagu qiyaaso inay ka badantahay 200, isla markaana ah dadka sanadkii lagu qiyaaso macaashkooda 1Milyan dolar oo ay ku jiraan dad caan ah ayaa sheegay inay
bixinayaan lacagta cashuurta ay bixin jireen mid ka baddan. Si loo badbaadiyo dhaqaallaha maraykanka, isla markaana loo helo shaqooyin.Lix xubnood oo ka socday Kooxda Partriotic ayaa sidaa ka sheegtay kulan ay Washington ku yeesheen subaxnimadii Arbacadii todobaadkan kooxda iyagu qorshahaa cashuur kordhinta diideen ee lagu magcaabo Norquist . doodaha ka dhashay kulankaa ayaa keenay in Tusaale loo soo qaato burburka iyo dawlad la’aanta ka jirta Somalia, iyadoo loogu baaqay kuwa diidan Cashuurta inay u guuraan Somalia, halkaas oo ay sheegeen inay ka jiraan qabaa’il, isla markaana aanay suurta gal ahayn in cashuur lagu weydiiyo, balse kooxda diidan korodhka cashuurta ayaa ku doodaya in dawladda looga baahanayahay xuquuqda asaasiga iyo waxyaabaha damaanad qaadaya xaqooda, iyagoo dood dheer kadib xusay inay bixinayaan cashuurta. Laakiin ay shuruudo ku xidheen ogolaanshaha qorshaha lagu kordhinayo cashuurta.
Doodahan ay isku waajaheen kooxaha haga siyaasada iyo dhaqaallaha Maraykanka ayaa dhaliyay in loo soo jeediyo kuwa ka horymi qorshaha cashuurta lagu kordhinayo inay u guuraan Somalia si ay uga badbaadaan in laga qaado wax cashuur ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com