Milateriga Oo Saaka Xoog Ku Kala Dareeriyay Laba Ka Mid Fagaarayaasha Taageerayaasha Mursi, Muuqaalada Naxdinta Leh Iyo Xaalada Dalka Masar Oo Faraha Kasii BaxayQaahira(Araweelo News Network)Ciidamada Milateriga Dalka Masar ayaa saaka waaberigii xoog ku kala dareeriyay kumanaan taageerayaasha

Madaxweynihii la inqilaabay Maxamed Mursi, waxaana ka dhashay awooda ay ciidamadu u adeegsadeen labada goobood oo kala ahaa Nahda iyo Nasr oo u dhow jaamacadda Cairo University.

masar3Telefishanka dalka Masar ayaa sheegay in la baneeyay labadaa goobood oo ka mid ahaa meelaha ay taageerayaasha Mursi ku sugnaayeen, waxayna sheegeen in lab ka mid saraakiisha ciidanka ay ku dhinteen hawlgalkaa, isla markaana aan wax khasaare ahi ka dhicin, balse warbaahinta madaxa banana ayaa soo bandhigtay muuqaalo naxdin leh oo ka dhashay awooda ay ciidamadu u adeegsadeen, taas oo keentay in aan si dhab ah loo ogaan tirada dhimashada iyo dhaawaca ee rasmiga ah.

masar1

Hase yeeshee waxa jira warar hordhac ah oo sheegaya in boqolaal ka mid ah dadkii ku sugnaa fagaayashaa oo u badaan haween iyo caruur ay ku dhinteen, boqolaal kalena ku dhawaacmeen, kuwaas oo maydadka iyo dhaawaca lagu fiiqay Cagafyo, waxaana la arkayay qiiq madaw iyo olol samada isku shareeray, kaas oo aan la ogayn waxa uu yahay.

Xukuumadda Milateriga ah ayaa sheegtay in aanay awood ciidan u adeegsan dadkii ku sugnaa labada goobood ee ay kala dareeriyeen dadkii ku sugnaa, waxaana la joojiyay dhamaan gaadiidka isaga goosha magaalooyinka iyo Tareenada.

masar2

Dhinaca  dadka ku sugnaa labada Fagaare Nahda iyo Nasr ayaa u badnaa haween iyo caruur, kuwaas oo mudo ka badan bil ku sugnaa fagaarayaashaa, wuxuuna fagaaraha Nahda ahaa fagaaraha labaad ee ugu weyn ee ay ku sugnaayeen taageerayaasha madaxweynihii hore, waxaana lagu qiyaasay inay ku sugnaayeen ku dhowaad hal milyan, balse fagaaraha kale ee ugu weyn oo ah Raabic al cadawiya ayaa weli ay ku sugan yihiin ku dhowaad laba milyan oo qof, kaas oo mudadii ay ku sugnaayeen taageerayaasha Mursi ay ka dheceen dhacdooyin la yaab leh. Kadib markii boqlaal ka mid ah debed baxayaashu isku guursadeen halkaa.

Ciidamada ayaa xalay amar lagu siiyay inay kala dareeriyaan malaayiin debed baxayaal mudo bil iyo dheeraad ah ku sugan Fagaarayaasha Raabic Al-cadiwaya, Nahda iyo Nasr, kuwaas oo saaka waaberigii weeraray labada fagaare ee Nahda iyo Nasr, balse fagaaraha waxayna u diyaar garoobeen wax kasta kaga yimaada Ciidamada, iyadoo loo qaybiyay qalabka laga gashado suntan dadka ka ilmaysiisa. sidoo kale mudaharaadyo kale ayaa ka bilaabmay magaalooyinka qaarkood.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegey xalay in aanay dowladdu oggolaan karin in dadkaasi banaan- baxyada dhigaya ay sii joogaan goobaha ay fadhiisimaha ka dhigteen tan iyo bishii la soo dhaafay.

 

wixii kasoo kordha kala soco shebekadaha arraweelo.com iyo araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *