breaking News arraweelo,comQaahira(Araweelo News Network)Madaxweyne xigeenkii dawlada ay Milaterigu magcaabay Mohamed ElBaradei ayaa iska casilay xilkii kadib markii Ciidamada

 

Milateriga Dalka Masar saaka waaberigii xoog ku kala dareeriyeen malaayiin ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweynihii la inqilaabay Maxamed Mursi oo ku sugnaa fagaarayaasha waaweyn ee Nahda iyo Raabic al cadawiya oo mudo ka badan bil ay ka wadeen mudaharaadyo  ay ku diiidan yihiin inqilaabka Milaterigu ku sameeyay madaxweynihii la doortay ee Mursi.

Hawlgal ciidamada Milaterigu qaadeen oo loo adeegsaday Dubaabado,  Diyaarado, sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta qoryaha fudud ayaa sababay khasaare balaadhan iyo inay rabshaduhu u gudbaan meelo kale kadib markii hawlgalkaa ay  ciidamadu ugu awood sheegteen sababay  dhimasho in ku dhow 22, 000 qof iyo kumanaan dhaawac ah.

Maydadka dadka ku dhintay hawlgalkaa ayaa lagu xaadhay Cagaf-cagafyo Baldawsaro, iyadoo ay warbaahinta qaarkood soo bandhigeen dhacdooyin naxdin leh oo ka dhacay hawlgalka lagu fuliyay dadka mudaharaadayay eek u sugnaa fagaarayaasha oo ay ku jireen haween iyo caruuur.

Wasiirka Caafimaadka Dawlada Milateriga Masar ayaa sheegay in dhaawaca dadku uu gaadhay dhawr boqol, balse anay dhimashadu ahayn sida warbaahinta qaarkood sheegayaan kumaan qof.

Sidoo wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah mudaharaayaasha la xidhay, wuxuuna ku dooday in hawlgalku aanu ahayn mid la doonayay in lagu daadiyo dhiiga dadka shacabka ah ee Masar.

Dhinaca kale Taageerayaasha Mursi ayaa sheegay in si badheedh ah loo xasuuqay shacbi aan waxba galabsan oo dareenkooda cabirayay, waxayna tirada dhimashada ku sheegeen kumaan qof, iyagoo xusay in dhaawaca loo diiday in Cubitaalada la dhigo, waxayna qaar u hadlay mudaharaadayaashu sheegeen inay sii wadayaan mudaharaadka oo aanay joojinayn, balse waxay mujtamaca dunida Islaamka iyo beesha caalamkaba ugu baaqeen in aanay indhaha ka qarsan dhacdooyinka ka socda Masar oo ay ku sifeeyeen xasuuq bini’aadanimo.

Ilaa inta la ogyahay waxa jira sawir qaade ka socday Telefishanka SKYnews oo ciidamada Milaterigu toogteen, isagoo doonayay inuu qaato muuqaalo waxashnimo ah oo ka mid ahaa xasuuqa ay geysteen ciidamadu.

Telefishanka dalka Masar ayaa sheegay in la baneeyay labadaa goobood oo ka mid ahaa meelaha ay taageerayaasha Mursi ku sugnaayeen, wuxuuna wasiirka Arrimaha Gudaha Masar sheegay ilaa Afar ka mid ah saraakiisha ciidanka ay ku dhinteen hawlgalkaa, isla markaana aan la ogolaan doonin inay kusoo laabtaan debedbaxayaashu goobahaa.

Hase yeeshee wadamada Qadar, Turkiga, Iran, Faranca, Maraykanka iyo qaramada midoobay ayaa si weyn u canbaareeyay talaabada milateriga iyo Boolisku ku qaadeen dadka shacabka ah.

Dhinaca kale xaalada ayaa sii murugtay, waxaana socda rabshado weli sii socda oo meelo kala duwan ka bilaabay, kuwaas oo u muuqda in xaaladu faraha kasii baxayso, iyadoo wararka qaar sheegayaan in fagaaraha Raabic Al cadawiya weli ay ka socdaan hawlagalada ciidamada, isla markaana wadooyinka qaarkood la xidhay, iyadoo qiiq madaw iyo dhawaaqa rasaasta laga maqlayo meelo badan oo ka mid ah magaalada.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *