Hargeysa(Araweelo News Network)Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa saaka ku waaberiistay boqolaal ka mid ah ciidmada amaanka oo la dhigay wadooyinka Magaalada, kuwaas oo si baadhitaan ku bilaabay gaadiidka subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaca ah.

Lama ogga sababta saaka loogu war helay ciidamada la dhigay isgoysyada iyo wadooyinka magaalada caasimada ah ee Hargeysa, iyadoo ay xalay xaaladu caadi ahayd, balse warar laga soo xigtay saraakiisha amaanka ayaa sheegaya inay jirto digniino laga helay kooxaha mayalka adag, kuwaas oo laga cabsi qabo inay qorshaynayaan falal ka dhan ah amaanka Somaliland.

Dhinaca kale wadooyinka magaalada oo saxmad noqda wixii ka danbeeya sideeda subaxnimo, isla markaana horeba cidhiidhi ahaa ayaa la filayaa in baadhitaanka ciidamada amaanku saamayn weyn ku yeesho, iyadoo mudooyinkan danbe magaalada Hargeysa marba mark aka danbaysa cidhiidhiga gaadiidka iyo dadku si weyn saxmad uga dhigeen wadooyinka mihiimka ee badhtamaha magaalada.

Wixii kasoo kordha baadhitaanada kala soco shebekaddaha arraweelo.com iyo araweelonews.com

 

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *