fagaaraha raabic al cadawiya1Qaahira(Araweelo News Network)Ciidamada Milateriga Dalka Masar ayaa ku guuldaraystay inay kala dareeriyaan taageerayaasha Madaxweynihii talada laga

 

inqilaabay bishii hore Mursi oo ku jira Xabsi qarsoon oo Milaterigu leeyahay. Ciidamada ayaa maanta amar lagu siiyay inay kala dareeriyaan malaayiin debed baxayaal mudo bil iyo dheeraad ah ku sugan Fagaarayaasha Raabic Al-cadiwaya iyo Al Nahda.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegey xalay in aanay dowladdu oggolaan karin in dadkaasi banaanbaxyada dhigaya ay sii joogaan goobaha ay fadhiisimaha ka dhigteen tan iyo bishii la soodhaafay.

Waxayna digiinta xalay loogu digay tageerayaasha Mursi sababtay in fagaarayaal kale ay isugu soo baxaan, kuwaas oo wacad ku maray inay ku dhimanayaan haddii lagu soo weeraro fagaarayaasha ay dareenkooda ku muujinayaan oo aanay ka tegeyn ilaa xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii la afgenbiyay ee Mursi, waxayna u diyaar garoobeen wax kasta kaga yimaada Ciidamada, iyadoo loo qaybiyay qalabka laga gashado suntan dadka ka ilmaysiisa.

 

Dhinaca kale madaxda diinta ee Jaamacadda Azhar ayaa soo jeediyey qorshe ay doonayaan inay xal ugu helaan mashaakilka siyaasadeed ee dalka ka taagan, balse madaxda Ikhwaan muslimiinka ayaa ku gacan saydhay inay la kulmaan kooxda Al-ashar. Iyadoo dublamaasiyiin ka socday wadamada reer galbeedka,  carabta iyo Afrika guuldaraysteen inay is faham ka dhex dhaliyaan labada dhinac.

Madaxa Al Azhar Sheikh Ahmed al-Tayyib ayaa sheegey inuu qeybaha siyaasadda isku haya u qaban doono shirweyne qaran oo dib u heshiisiin ah.

Taageerayaasha Musri intii ay ku sugnaayeen fagaarayaashaa oo ay ku ciideen wax aka dhacay dhacdooyin soo jiitay rayal caamka Bulshada aduunka, waxaana ay ku qaateen halkaa bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana waxay ku ciideen iyagoo wata caruurtooda fagaarayaashaa oo kumanaan dhlainyaro ah laysugu aroosay mudadii ay ku sugnayeen.

Sidoo kale Taageerayaasha ku sugan Raabic Al-cadawiya iyo Al-nahda ayaa maanta kusoo kordhiyay fagaarayaasha diyaarado yar yar oo ay hawada u direen kuwaas oo lagu xidhay kamarado qaadaya sawiro dhab ah iyo tirada rasmiga ah ee ku sugan fagaarayaasha. Halkan ka daawo Muuqaalka Video Diyaaradaha oo loo dirayo Hawada si ay u tiriyaan dadka, isla markaana sawiro uga qaadaan.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *