bre1

Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii uu hayay ka qaaday mid ka mid ah masuuliyiinta xubnaha ka ah xukuumaddiisa. Sidaana waxa

 

lagu sheegay war saxaafadeed galbata kasoo  baxay qasriga Madaxtooyada.

Qraalka Madaxweynaha ayaa u qoraan sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013  uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali,

WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.”ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweynaha, balse laguma sheegin qoraalka sababta xilka looga qaaday Masuulkaa oo ka mid ahaa aqoonyahanada tirada yar ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku jiray, isla markaana ahaa  aqoonyahan ka mid ah qurbajooga Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *