images/stories/uk-flag-.jpg Nairobi (ANN) Dawladda Britain ayaa ka hadashay dagaalada maalmihii u danbeeyay sida xidhiidhka ah uga socday magaalada caasimada Somalia ee Muqdisho, isla markaana waxay  xaqiijisay  sida  ay uga walaacsan tahay dagaaladda iyo iska hor imaadka ka socda halkaa, iyada  oo ku tilmaamtay xaalada mid  aan ka soo rayn lahayn

 oo  lagu gumaadayo dadka Shacabka ah ee bir ma geydada ah.
Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo laga soo saaray Safaaradda Britain ku leedahay caasimada Kenya ee Nairobi. Madaxa Xafiiska Safaarada Britain ee Nairobi u qaabilsan arrimaha Somaliya Matt Baugh, ayaa ku sheegay war saxaafadeedkaa wax aan la aqbali karayn  weerarada dhimashada iyo dhaawacyada ah ee loo geysto dadka Rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho iyo  sidoo kale waxyeelada dagaaladaa ka  soo gaadha Askarta ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Sidaa awgeed dawlada Britain ay tacsi u dirtay dalka Uganda, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii dhawaan lagu dilay dagaaladii muddooyinkan danbe ka dhacayay magaalada Muqdisho. War saxaafadeedka ayaa gebagebadii  lagu sheegay in dawlada Britain ay hiil taageero la barbar taagan tahay nidaanka iyo qorshihii  Djibouti ee ay ku hawl gasho dawladda ku meel gaadhka ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Sh Shariif Sh Axmed, iyo ciidamada Midawga Afrika iyo waliba dadaalada caalamiga ah ee loogu jiro sidii loo soo af jari lahaa dagaalada loo caal waayay ee dabada dheeraaday ee ka socda dalka Somaliya,  si loo soo celiyo amniga iyo kala danbaynta bulshada Soomalida.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *