MechelBrussels (Arraweelo News Network)Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, ayaa si adag u cambaaraynay dilka foosha xun ee

 

shalay dabley aan la aqoonsan ku fuliyeen Mohamed Ibrahim Rareh oo ahaa Weriye iyo war-tebiye ka tirsan Radio Muqdisho iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) ee 21 Abriil, Mogadishu. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu dirayaa tacsiyadiisa qoyskii iyo asxaabtii Moxamed Ibrahim Raage.

Raage waa weriyihii Shanaad ee lagu dilo Soomaaliya mudo dhawr . Tani waxay daba socotaa dilal arxan darra ah oo qorshaysan oo  is-daba jooga ah loola  beegsaday  howladeenada war-baahinta labadi sanoo la soo dhaafay.

Tani nasiib-darro waxay tusinaysaa in Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah kuwa ugu halista badan leh dalalka ay weriyayaashu ka howl galaan. Ergayga Gaarka ah wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliyeed in ay qaado talaabo deg-deg ah ee lagu hagaajinayo amniga howl wadeennada war-baahinta iyo in la howl-geliyo Gudigii la sheegay in loo xil-saaray soo baadhidda dilalka weriyayaasha lana hor keeno cadaalda kuwa geystay falakaa iyo falalkii kale ee lagu laayay in ka badan sodon weriye.

Inta ay gudanaayaan howshooda ku aadan wax-u-sheegida dadweynaha Soomaaliyeed, weriyayaashu waxay si xoog leh ugu qayb qaadanayaan dhisidda mujatamac Soomaaliyeed ee xor ah oo dimuqiraadi ah. Ku guul darraysashada in la ilaaliyo howl wadeenada war-baahinta waxay khatar gelinaysaa xorriyadda wax-cibirida (ra’yi Jeedinta) oo ah mid ka mid ah xuquul-insaanka assasiga ah.

Midowga Yurub wuxuu diyaar ula yahay inuu ku taageero Dowladda Soomaaliyeed in ay damaanad qaado ammaanka weriyayaasha iyo in wax laga qabto guud ahaan xadgudubyada xurriyadda saxaafadda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *