faroole11Garoowre(Araweelo News Network) Madaxweynaha Maamul gobleedka Somalia ee Puntland  Cabdiraxmaan Farroole, ayaa  sheegay in dawlada Turkigu kaga baxday balanqaadyo dhinaca mashaariicda ah

 

oo ay hore ugu balanqaaday.

 

Farroole oo maanta ka hadlayay  Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe , wuxuu sheegay in  dawlada Turkigu ka baxday Mashaariic Horumarineed  oo ay ku balansanaayeen inay ka  ka fuliso Deegaanada iyo Degmooyinka maamulkiisu ka taliyo ee Puntland, wuxuuna xusay in dawlada Turkiga ay u siman yihiin dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, balse waxa uu ku eedeeyay dawlada Turkiga inay xoogga  saartay magaalada Muqdisho, isla markaana ay ilaabeen balanqaadyadii shacabka ku nool Puntland.

 

 

Dawlada Turkiga ayaa mashaariic waaweyn ka fulisay magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn uga muuqda Caasimada Somalia ee Muqdisho oo burbur weyn ka dib labaatan sanadood ka dib markii u horaysay laga fuliyay mashaariic  dhinaca horumarka ah. Sidoo kale dawlada Turkiga ayaa taageeradii ugu weynayd ka geystay Koonfurta Somalia kadib abaaro iyo macaluul ka taagnaa halkaa sanadkii 2011

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *