silanyo atlanticWashington (Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khudbad dheer oo gar-naqsi ah ka jeediyay

 

machadka caalamiga ah ee lagu gorfeeyo siyaasadda iyo arrimaha ijtimaaciga ah ee aduunka oo lagu magcaabo Atlantic Council (USA) oo ku yaala magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Kulankaa wax aka qaybgalay dublamaasiyiin, aqoonyahano, qaar ka mid ah qurbajooga Soomaalida iyo arti sharaf kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa  kaga waramay khudbada uu halkaa ka jeediyay marxaladihii iyo sooyaalkii taariikheed ee Somaliland ay soo martay tan iyo markii ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Britain 26 June 1960.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland waxay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii, waxaanay shan maalmood ka dib la midowday Soomaaliya, iyadoo xiligaasi raadinaysay shantii Soomaaliyeed. Dawladii cusbayd ee Soomaaliya waxay bilowday in mansabadii sar-sare ee jaan-goynta hogaaminta ka maanacday dadkii reer Somaliland, waxaanay taasi horseeday in shacbiga Somaliland ay candhuuftooda markiiba dib uga liqaan midowgii ay la galeen Soomaaliya,”

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay gumaadkii iyo xasuuqii taliskii Maxamed Siyaad Barre u geysteen shacbiga Somaliland sanadihii dabayaaqadii sideetamaadkii, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dadka Somaliland waxay Taliskaa kala kulmeen xasuuq, dhac Kufsi iyo dhibaatooyin bini aadanimo, balse halgan dheer oo naf iyo maal loo huray ka dib Markii ay burburtay dawladii Soomaaliya 1991-kii waxay shacbiga Somaliland go’aansadeen inay xoriyadooda kala soo noqdaan Soomaaliya,”

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya mudadii ay jirtay Somaliland waxa uu yidhi,  “Waxa Somaliland ay madax-banaani iyo dawladnimadeeda gaarka ah ay haysteen muddo 22 sanadood ah, waxaana 18-ka Bisha May ee fooda inagu soo haysa buuxsamaysa 22 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.”

“Somaliland waxay abuurtay xasilooni, dawlad shaqaynaysa iyo qaran dimuqraadi ah. Waxaanu qabsanay afar doorasho oo madax-banaan. Bilo ka hor waxa aanu qabanay doorashadii Goleyaasha deegaanka oo muddo toban sanadood ah muddo dhaafay. Illaa 400 oo murashax ayaa u tartamay Boqol iyo dheeraad kursi oo goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka,”ayuu intaasi raaciyay madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed waxa uu tilmaamay in xukuumadiisu ay horusocod ka samaysay wada xaajoodyo ay la yeelatay maleeshiyooyin ka jiray deegaanka Buuhoodle, taasi oo dhabada u xaadhay in la sii daayo illaa 200 oo maxbuus oo lagu soo qabtay dagaalo dhex maray ciidammada qaranka iyo maleeshiyooyin hubaysan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay la dagaalantay kooxaha Argagixisadda iyo budhcad badeeda oo uu tilmaamay inaanay ku nabad-gelaynin geyiga Somaliland, isagoo dhinaca kalena ka hadlay horumarka dalka iyo xidhiidhka beesha Caalamka ee Somaliland.

Balse isagoo ka hadlaya arrimaha budhacad badeeda, waxa uu yidhi, “Boqolaal ka midaa kooxaha budhcad badeeda ayaa ku xidhan xabsiyadayada, waxaanan xidhidh bada iyo beriga ah la leenahay Yurub iyo Maraykankaba,”ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu daboolka ka qaaday in la gaadhay xiligii ay beesha caalamku aqoonsan lahayd madax-banaanida Somaliland.

“Dadkayagu waxa uu Aaminsan yahay in la gaadhay xiligii beesha caalamku aqoonsan lahayd Somaliland. Ictiraafka Somaliland waxa uu door fir-fircoon ka qaadan karaa mustaqbal wanaagsan oo ka tis-qaada Geeska Afrika,”ayuu intaas raaciyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray in 2 Milyan oo Dollar ay xukuumadiisu u qorshaysay inay ku taabo-geliso kor u qaadista adeegyadda bulshada ee gobolada bari oo hooseeyay.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya diirada lagu saaray in la sii wado tubta wada hadalka labada dawladood iyo in la abuuro inay arrimo badan iska kaashadaan labada dal.

Dhinaca Maalgashiga waxa uu tilmaamay Madaxweyne Siilaanyo  in Somaliland tahay suuq dihin oo la maal-gashan karo waxaanu xusay inay soo dhawaynayaan maal-gashiga shisheeyaha oo uu ku dooday inuu badhi taari karo horumarka Somaliland, kaas oo sida uu sheegay sii xoogaysanaya, waxaanu tusaale u soo qaatay warshad weyn oo soo saarta sharaabka Coca-cola oo laga hirgeliyay dhowaan Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *