Brussels (Arraweelo News Network)Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, ayaa si adag u cambaaraynay dilka foosha xun ee
shalay dabley aan la aqoonsan ku fuliyeen Mohamed Ibrahim Rareh oo ahaa Weriye iyo war-tebiye ka tirsan Radio Muqdisho iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) ee 21 Abriil, Mogadishu. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu dirayaa tacsiyadiisa qoyskii iyo asxaabtii Moxamed Ibrahim Raage.
Raage waa weriyihii Shanaad ee lagu dilo Soomaaliya mudo dhawr . Tani waxay daba socotaa dilal arxan darra ah oo qorshaysan oo is-daba jooga ah loola beegsaday howladeenada war-baahinta labadi sanoo la soo dhaafay.
Tani nasiib-darro waxay tusinaysaa in Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah kuwa ugu halista badan leh dalalka ay weriyayaashu ka howl galaan. Ergayga Gaarka ah wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliyeed in ay qaado talaabo deg-deg ah ee lagu hagaajinayo amniga howl wadeennada war-baahinta iyo in la howl-geliyo Gudigii la sheegay in loo xil-saaray soo baadhidda dilalka weriyayaasha lana hor keeno cadaalda kuwa geystay falakaa iyo falalkii kale ee lagu laayay in ka badan sodon weriye.
Inta ay gudanaayaan howshooda ku aadan wax-u-sheegida dadweynaha Soomaaliyeed, weriyayaashu waxay si xoog leh ugu qayb qaadanayaan dhisidda mujatamac Soomaaliyeed ee xor ah oo dimuqiraadi ah. Ku guul darraysashada in la ilaaliyo howl wadeenada war-baahinta waxay khatar gelinaysaa xorriyadda wax-cibirida (ra’yi Jeedinta) oo ah mid ka mid ah xuquul-insaanka assasiga ah.
Midowga Yurub wuxuu diyaar ula yahay inuu ku taageero Dowladda Soomaaliyeed in ay damaanad qaado ammaanka weriyayaasha iyo in wax laga qabto guud ahaan xadgudubyada xurriyadda saxaafadda.