Addis Abab(Araweelo News Network)Xubnaha Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika (TheAfrican Union’s executive Council), ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan maalinta Jimcaha ee todobaadkan Shir muhiim ah oo

lagaga hadlayo Xaalladaha ugu dambeeyey ee Arrimaha dalka Somalia iyo colaadaha ka taagan mandaqada.

Sida laga soo xigtay dublamaasiyiin fadhigoodu yahay Addis Abab kulankaa ayaa lagu wadaa inuu bishan January 24-da ka furmo magaalladda Baxar Daar oo ku taalla Waqooyiga-galbeed ee dalka Ethiopia, wararka la xidhiidha shirkaa ayaa sheegaya in diiradda lagu saaridoono  Ajendayaal Muhiim ah oo ay ugu waaweyn yihiin Arrimaha dalka Somalia iyo Qorshaha Ciiddamadda Ethiopia kaga mid noqonayaan Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan Somalia ee AMISOM.

Sidoo kale waxa la filayaa in shirkaa midawga Afrika lagu soo qaado xiisada iyo collaadaha ka taagabn mandaqada iyo guud ahaan qaarada Afrika

Waxa kale oo suurtagal ah in lagaga hadlo dalabka Midawga Afrika ku doonayay in Ururka Midowga Afrika Kursi Joogto ah laga siiyo Golaha Ammaanka ee QM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *