wadahadalada1Istanbul(Araweelo News Newtwork) Dhinacyada eregooyinka labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ee kulamada ku lahaa dalka Turkiga ayaa gaadhay heshiis ka kooban ka kooban dhawr qodob. Kadib markii

wadahadalku galay hakad balse dib laysugu soo noqday.
Labada dhinac ee metelaya Dowladda Somalia iyo dawlada ayaa isku raacay heshiis kakoobn sadex bog oo lagu sharaxay qaabka wadahadalku usii soconayo, taas oo ku dhamaatay is afgarad sida uu sheegay wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ee dhinaca dawlada Somalia u metelaya wadahadalka.
Qodobka uguy xaasaasisan ee ahaa dooda Somaliland ee ahayd gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada ay ku dooday  Somalia ayaan weli laga wada hadlin, balse waxa muuqata in heshiiskan xooggaa horu mar ah laga gaadhay marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaadhay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo. Waxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadexdii biloodba mar ay wada hadalka isugu yimaadaan iyo qodobo kale.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa dhinacooda sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan, isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *