araweelonewsMoqdisho(Araweelo News Network)Baarlamaanka Somalia ayaa ka dalbaday Raysal Waasaraha cusub ee Somalia Cabdiweli Sheekh inuu maalinta beri ah horyimaado, isla markaana usoo gudbiyo Barnaamijka

 

xukuumaddisa iyo qorshihiisa siyaasadeed.

Dalabkaa ayaa ka danbeeyay kadib markii Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan ay kaga hadlayaan arrintaa ku yeesheen shalay Muqdisho, kaas oo sida wararka la xidhiidhaa sheegayaan la filayo in Raysal Wasaaruhu maalinta berito ah hortago Baarlamaanka, balse waxa jira walaac durba soo waajahay Raysal Wasaaraha cusub oo ka dhashay dhismaha xukuumaddiisa, taas oo noqotay mid sadex jibaar ka badan xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid, isla markaana waxa jira warar kale oo sheegaya in khilaaf cusub uu durba ka bilaabmay dhismaha xukuumadda, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha cusub ee maalmihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiir dawle.
Arrimaha durba khilaafka abuuray ayaa lala xidhiidhiyay in ay ka dhasheen is casilaada Gudoomiyihii Banaadir Maxamed Nuur Tarsan iyo Cabdikaafi Macalin Xasan oo Wasiir ku xigeeno loo magcaabay, kuwaas oo sheegay in aanay qabanayn xilalkaa.

Markii ay soo bexeen liiska magacyada Wasiiradda xukuumadda cusub waxa saaxada laga waayay xubno ka mid kuwii Madaxweyne Xasan Sheekh danaynayay in lagusoo daro liiska oo ay hormood u tahay haweenaydii Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Raysal wasaare xigeenka ahayd Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo laga reebay liiska, taas oo sababtay in uu ka cadhoodo Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu liiska wasiiradda ka waayay Foosiya Yuusuf oo ka mid ahayd toban xubnood oo Madaxweyne Xasan ka dalbaday Raysal Wasaaraha inuu dib usoo celiyo, waxayna dhamaan arrimahaasi noqdeen kuwo cabsi iyo wer-wer ku abuura raysal waasaraha in Baarlamaanku diidaan  xukuumaddiisa cusub.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *