Hargeysa(ANN)-Ku dhowaad Laba Boqol Oo Qof Oo ka tirsan Shaaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo maalintii shalay u fadhiistay Imtixaan qiimayn ah ayaa lasoo dhejiyay natiijadiisa maanta, waxaana soo baxay cabashooyin ay dadkii shaqaalaha ahaa ee Imtixaankaa u fadhiistay kaga cabanayeen, taas

oo la xidhiidhay dhinaca Luqada English-ka oo lagu saleeyay Imtixaanka.
Waxaana saaka subaxnimadii hore kusoo xoomay dhismaha Xarunta Ha’yadda Shaqalaha ee Magaaladda Hargeysa iyo xaruta Wasaaradda Maaliyadda gebei ahaanba shaqaalihii ka qayb galay Imtixaankaa, kuwaas oo aan shalay tegein shaqooyinkoodii. Kadib markii lagu wargeliyay inay ka war sugaan natiijada kasoo baxda imtixaan. Laakiin waxay ku dhowaad kala badh dadkaasi la kulmeen wax aanay ku farxin markii ay ka hoos mareen derejadii laga doonayay ee ay ku gudbayeen.
Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Somaliland Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, ayaa  sharaxaad  ka bixinayey natiijadii ka soo baxday imtixaankii ay ka qaadeen  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu Ilaahay ugu mahad celinaynaa sida wanaagsan ee uu kusoo dhamaaday Imtixaankii aanu ka qaadnay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,  waxa imtixaanka markii hore loo qorsheeyay inay galaan  222 shaqaale ah, laakiin waxa   Imtixaanka u fadhiistay 191 shaqaale ah, waxa baasay 103, waxa dhacay 88 qof.”
Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha Somaliland wuxuu ku dooday inuu imtixaanku ahaa mid xor ah, isagoo  yidhi, “Imtixaankaasi wuxuu ahaa mid xor iyo xalaal ah oo aanu aad iyo aad u ilaalinaynay waxaanad ogaydeen inaanu shaqaalaha hortooda Wasiirka diinta iyo awqaaftu ku dhaariyay Guddidii Imtixaanka qaadaysay.”
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shaqaalaha imtixaanka ku guulaystay iyo madaxda Wasaarada Maaliyada oo ka badheedhay xaalada adag oo noqotay wasaaradii u horaysay ee Imtixaan gelisay shaqaalaheedii.”ayuu yidhi Muxumed Aw Axmed.
Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalahu wuxuu difaacay qaabka loo qaaday Imtixaanka iyo luqada ay ka cawdeen shaqaalahu, wuxuuna yidhi,  “Imtixaankan waax walba shaqadii ay qabanayeen ayaanu imtixaanka kaga qaadnay, dhinaca luuqada ee aad I weydiisay waxa weeye  Group A waxa weeye shaqaale aqoontoodu heer jaamacadeed tahay, markaa waa khasab In imtixaankooda lagu soo daabaco Ingiriisi, Group B (qeybta labaadna) waxay noogu qiimaysan yihiin inay yihiin heer dugsi sare iyagana waa Ingiriisi waayo marka fasalka 8-aad laga gudbo waxa wax lagu bartaa Ingiriisi.”
Mar la weydiiyay sida laga yeelayo shaqaalaha aan iyagu gudbin Imtixaankii, waxa uu yidhi, “Arrintaasi dawlada ayaa tallo ka yeelanaysa laakiin waxa weeye aqoontooda ayaa kor loo soo qaadayaa oo tababar ayaa la siinayaa.”,
Waxa kalloo uu sheegay inay dhamaan Wasaaraddaha iyo Ha’yaddaha kale ee dawladda sidan oo kale ka qaadayaan Imtixaan oo ay qorshaha ugu jirto, balse aanu ahayn mid ku koobnaanaya Wasaaraddaa oo keliya.
Shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Maaliyadda ee iyaga hore looga qaaday Imtixaanka xiligii dawladii Marxuum Cigaal dabayaaqadii sagaashanaadkii ayaan ku jirin shaqaalaha hada laga qaaday Imtixaanka, maadaama hore looga qaaday qaar baddan oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda, balse wixii ka danbeeyay xiligaa waxa sii kordhayay shaqaalaha dawladda, kuwaas oo aan ku iman nidaam sharci ah, isla markaana aan lagu xulan aqoonta iyo kartida ay hawsha loo dhiibayo u leeyihiin. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *