Hargeysa (ANN) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa sheegay in aanay Idaacada Radio Hargeysa iyo gebi ahaanba warbaahinta dawladu u adeegi doonin Xisbul Xaakimka gacanta ku haya hogaaminta qaranka, balse ay

warbaahinta dawladu noqon doonto mid u shaqaysa Ummada.
Mr. Geel-jire oo ahaa qoraagii sheekada Dube iyo Doolaal oo ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada cusub, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu maanta xilkii kala wareegayay wasiirkii hore Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo ku xigeenkiisii Cali Cilmi Geele.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa masuuliyiintii hore ee xilka wareejisay kaga hadleen waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay wasaarada joogeen, iyadda oo wasiirka cusub ee Wasaarada loo soo magacaabayna uu sameeyay balan qaadyo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin  inuu ku dadaalayo sidii uu saxaafada Somaliland iyo suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta dawlada sare ugu qaadi lahaa aqoontooda.
Xaflada xil-warejinta oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa la isku waydaarsaday kaftan duurxula.
Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Cali Cilmi Geele oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka cusub ee Wasaarada loo soo magacaabay looga fadhiyo inuu qabto waxyaabihii xisbigiisa KULMIYE umadda u balan qaadi jiray wakhtigii lagu jiray tartankii doorashada Madaxtooyada “Mudane  Wasiir shaqaalaha wasaarada warfaafinta sidii aad u ilaalin lahayd ee wixii aanu anagu kafnay ee itaal ahaan naga xumaaday inaad u raadiso ayaan kugu waaninayaa, waayo waxa haboon in shaqo walba shaqaalaheeda la hagaajiyo.” Ayuu yidhi Cali Cilmi Geele, waxaanu intaa ku daray “Intaa waxaan ku darayaa oo aan hadalkayga ku soo darayaa hal fariin oo  ah Ninkii Doolaal uu Dube farayo (Doolaal iyo Dube waa laba magac oo uu Wasiirka warfaafinta ee xilka la wareegayaa  u isticmaali jiray qoraal murtiyeed mucaaradaysan wakhtigii ololaha doorashada), waxa uu leeyahay Doolaal Dubow horta hambalyo guushaa aad gaadheen, hase ahaatee waxaanu rabnaa in wixii aad balan qaadi jirtay markii aad ololaha ku jirtay inaad fuliso, kugu deg-degi mayno inta aad ka baranaysaan muxaafidnimada, kursiga la qabsigiisana wakhti ayaad u baahan tihiin.”
Mr. Cali Cilmi Geele waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa la idiinka baahan yahay wadooyinkii magaalooyinka oo la hagaajiyo, dhaqalihii la lumin jiray oo la helay iyo guud ahaan balan qaadyadii oo la helo, anaguna haddii aanu nahay shacabkii waxaanu balan qaadaynaa in aanu iskiin daba taagi doono, waana lala shaqayn doonaa xukuumada cusub, waayo waa waajib in qofka xilka haya lala shaqeeyaa.”
Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa wax ka tilmaamay waxyaabihii uu wasaaradda ku soo kordhiyay mudadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay inuu Wasaaradda yimi  iyadda oo idaacada Raadiyow Hargeysa leh hal (Studio) imikana uu leeyahay afar,  inkasta oo aanay idaacadu dhaafin caasimada dalka ee Hargeysa.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Wasiirka xilka kala wareegay Geel-jire aanay isku cusbayn ee ay hore isku yaqaaneen oo ay dalka Kanada wada joogi jireen “Cabdilaahi maaha Nin aanu maanta isbaranaynayno ee waa Nin aanu saaxib ahayn oo aanu wada fadhfadhiisan jirnay reer Kanadana aanu wada ahayn, markaa taasi waa mid  anaga noo gaar ah.” Ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayay mudadii uu Wasaaradda joogay wax uu yidhi, “Wasaaraddan waxaan joogay afar sanadood iyo 10 cisho, markii aan imi Wasaaraddu waxay lahayd hal (Studio) oo kaliya mid kale oo meel u yaalay ma jirin, maanta waxaad arki doontaa afar (Studio) oo qalabka yaalaana uu yahay qalab casri ah.”
Waxa isagu halkaa ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), wuxuuna  tilmaamay inuu Wasaaradda wax badan ka bedeli doono “Horta doolaal ayaan u jawaabayaaye balan-qaadyadii aanu qaadnay waanu fulinaynaa, Dubana waxa uu leeyahay xeradayadu waa wada uloo ul la qaato malaha, waxan oo (Technolagy) ah ee aad noo sheegteen iyo waxan oo (Studio) ah haddana halkan gaadhi maayo ayaad nagu tidhaahdeen” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay wasaaraddan warfaafinta ee la igu qoray, sababtoo ah waa wasaarad aad u mihiim ah. Mana nqon doonto mid u adeegta xisbul xaakimka ee waxay u shaqaynay Ummada, taasna waan balan qaadayaa.”
Wasiirka cusub ee warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Geel-jire waxa kale oo uu  sheegay inuu mawduucii uu qori jiray ee Dube iyo Doolaal ku wareejiyay Weriye Xasan Maxamed Yuusuf oo mudo dheer ahaa weriyayaasha Idaacada Hargeysa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *