Laascaanood(ANN)Ciidamadda Qaranka  Somaliland ee fadhiisinka  duleedka laascaanood, ayaa sakaa ku ruqaansaday Tuulada Tukaraq oo ka tirsan Somaliland, isla markaana   wax ka yar lixdan Km u jirta xarunta Maamulka Garwoowe ee Puntland oo uu maro xadka u dhexeeya

Somaliland iyo Somalia.  Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland eek u sugan aaga, ayaa sheegay in saaka waaberigii  ay Ciidanku gaadheen deegaankaa oo fadhiisin u ahaa malayshiyaad ka tirsan kuwa nabad-diidka ah, balse laga caydhiyay oo ay sidaa kula wareegeen ciidanku iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta sharaxaad kooban ka bixiyay  hawlgalkaa  ciidanka  qaranka Somaliland saaka ka fuliyeen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ah xadka ay Somaliland iyo Somalia wadaagaan
Wasiir  Cadami oo u waramay wakaaladda wararka ee Solna,  waxa uu sheegay inay Ciidamada qaranku saaka ku tageen Deegaanka Tukaraq hawlgal waqti yar qaatay oo ay ku eegayeen xaaladda halkaa ka jirta, isla markaana  aanay  la kulmin wax iska hor imaad ah haba yaraatee, inkastoo ay ka war hayeen in maleeshiyaadkii nabadiidka ahaa ay aaggaa ka ag dhawaayeen hadana ma jiro wax khasaare nafeed ah oo hawlgalkaasi sababay.
Wasiirku waxa uu sheegay in Ciidanka qaranku ay dib ugu soo noqonayaaan fadhiisamadoodii hore oo isla aagaas ah ka dib marka ay dhamaystaan hawlgalada ay saaka ku tageen deegaanka Tukaraq.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in malayshiyada laga caydhiyay deegaankaa ay u baxsadeen dhinaca Ethiopia, kuwaas oo loo malaynayo inay ku biirayaan Jabhada ONLF oo ay gacansaar leeyihiin oo dhuumaalaysta deegaamada xadka u dhexeeya Samliland, Somalia iyo Ethiopia. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *