Gaalkacayo(Araweelo News Network)Michael Scott Moore oo ah suxufi iyo Qoraa haysta laba dhalasho oo Maraykan iyo German, ayaa xoriyadiisa

 

helay ku dhowaad sadex sanadood oo afduub loogu haystay Badhatama Somalia.

Wasiirka Arrimaha Debeda Jarmalka, ayaa xaqiijiyay in Michael uu helay xoriyadiisa maanta. Kadib markii laga soo furtay koox budhac badeed ah oo ku haystay badhtamaha Somalia meel u dhow deegaanka Mudug ay ku haysteen kooxdaa, wuxuuna sheegay in xaaladiisa caafimaad la eegayo, isla markaana uu ku noqonayo dalkiisa.

Michael oo 45 jir ah, isla markaana haysta laba dhalasho Maraykan iyo Jarmal, waa suxufi qoraa ah, waxaana  January 2012, koox dablay ah ka afduubeen koonfurta magaalada Gaalkacayo, isagoo waqtigaa Somalia u yimi si uu Buug uga qoro dhibaatooyinka Budhcad-badeeda, waxayna kooxda afduubtay ku xidhay sii deyntiisa lacag $ 10mly, balse mar kale ayay dalbadeen in lacagta madaxfurashada ninkaa ay kordhiyeen oo ka dhigeen $ 20mly.

Lama ogga ilaa hada in lacag laga bixiyay sii deyntiisa iyo in kale, balse wasiirka arrimaha debeda Jarmalka, waxa uu sheegay in marxalado kala duwan loo maray sii deynta Michael Scott.

Michael Scott, waxa loo malaynayaa inuu daba socday dad denbiilayaal ah oo ku nool Somalia iyo kuwo lala xidhiidhinayo argagixisada, taas oo la rumaysanyahay in ay sabab u ahayd afduubkiisa laba sanadood iyo badh ka hor, waxaana mudadii ay afduubka u haysteen si weyn looga canbaareeyay caalamka afduubka ninkaa suxufiga iyo qoraaga ahaa, balse kooxaha haystay Michael, waxay dhegaha ka furaysteen dhawaaqyada iyo canbaaraynta kaga imanaysay dunida ee la xidhiidhay afduubka ninkaa.

Somalia, waxay hoy u noqotay dhawr iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyay afduubka dadka,  dilalka dad aan waxba galabsan iyo dhaca iyo boobka, waxaana ka jira kooxo inta badan gobolada dhexe iyo Koonfurta Somalia ka ugaadhsada dadka ajaanibka ah, kuwaas oo ku xidha lacago madax-furasho ah, waxayna kooxahaasi qayb ka yihiin dagaalada ka socda Somalia iyo siyaasadaha ku hirdamaya dhawr iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *