Mogadishu(Araweelo News Network)Banaanbax baladhan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Shaqaalaha Soomaliyeed, ayaa maanta ka dhacay Magaalada

 

Muqdisho. Kumanaan ka mid ah Shaqaalaha Dekeda Muqdisho, ayaa isugu soo baxay Badhtamaha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo cabashadooda la xidhiidhay heshiish Dawlada Somalia ku wareejisay Dekeda Magaalada Muqdisho Shirkad Turkish ah.


Dadka Mudaharaadayay oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin cabshada waxa ay diidan yihiin, isla markaana ay ku qoran yihiin weedho ka dhan ah Dawlada Turkiga, ayaa ka dhaqaaqay Dekeda Magaalada Muqdisho, waxayna ku urureen  Barxada hore ee dhismaha aqalka Baarlamaanka Somalia, waxayna halkaa ka akhriyeen qoraal ay ku sheegayaan waxyaabaha ay ka cabanayaan, iyagoo ku hanjabay in ay joogi doonaan goobtaa ilaa ay xaqooda ka helayaan, balse waxay ku laabteen dhinaca Dekeda Magaalada Muqdisho. kadib markii saraakiisha boolisku ka dalbadeen in ay ka dareeraan meesha sababo la xidhidha dhinaca amaanka.


Saraakiisha Booliska ayaa hor istaagay dadkaa, waxayna goobta ka sheegeen waxa ay ka cabanayaan, iyagoo u sheegay in fariintooda la gaadhsiiyo madaxda dawlada taagata daran ee Somalia.

Guddoomiyaha isu taga Uruweynaha Shaqaallaha Somaliyeed  Maxamed Cusmaan Xaaji iyo Guddoomiyaha Dakada Muqdisho Yusuf Warsame Afrax ayaa u sharaxay saraakiisha Ciidadama Dowlada cabashada shaqaalaha iyo ujeedada debed-baxa, waxaana dhanka Dowlada u hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banadir oo banaanbaxyaashaa si degan ugu sheegay in Cabashadooda ay u gudbin doonaan  taliyaha Booliska Soomaliyeed si uu ugu gudbiyo madaxda ka sareysa.

Magaalada Muqdisho oo ah meel dilalka iyo qaraxyadu si fudud uga dhacan habeen iyo maalin, isla marakaana ay ku dagalaamayaan xoogaga huwanta Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab, wuxuu Banaanbaxa oo ahaa mid si cilmiyaysan loo soo abaabulay ka muujiyay sawir ka duwan sida ay xaalada Muqdisho tahay, wuxuuna ahaa mid aan noociisu ka dhicin Somalia inta badan, kaas oo si nabadgelyo ah u dhacay, iyadoo dadka Banaanbaxa sameeyay u muujiyeen muuqaalka banaanbaxa mid gaadhsiisan heerka banaanbaxyada dunida hore u martay ee aan lagu arag dunida sadexaad iyo Afrika inta badan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *