Sanca(Araweelo News Network) Raysal wasaarihii Dalka Yemen Mohammed Basindawa, ayaa iska casilay xilka kadib markii Dagaalyahanka Xuutiyiintu

 

la wareegeen inta badan Caasimada Dalka Yemen, iyagoo hore u qabsaday Madaarka Diyaaradaha, Xarunta Telefisnka, Idaacada Sanca ee Dawlad iyo xarumo kale oo muhiim ahaa dagaal socday mudooyinkii u danbeeyay oo soo gaadhay  Caasimada dalkaa.

Raysal wasaaraha iska Basindawa, ayaa xilka hayay tan iyo 2011, isagoo kasoo jeeday Xisbiga Selefiyiinta ee Al Islah Party. Dagaalo ba’an ayaa ka socda weli caasimada Dalka Yemen, kuwaas oo aan la ogayn tirada dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo kumaan qof ka carareen guryohooda maalmihii u danbeeyay.

Waxa jira warar sheegaya in dagaalka ugu weyni ka socday maanta gelinkii danbe ilaa caawa dhinaca Woqooyi ee Magaalada Sanca, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan uu ku jiro General Ali Mohsen al-Ahmar oo uu dhalay Al-ahmar oo adeer u ahaa Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax.

Guutooyin ka mid ahaa Ciidamada Dawlada ayaa ku biiray Dagaalyahanka Xuutiyiinta ee la baxay Ansaarulaah (Ansarullah forces), taas oo suurta gelisay in ay xuutiyuuntu guul deg deg ka gaadhaan dagaalka, isla markaana la wareegaan inta badan xarumaha Dawlada iyo Xeryaha Ciidanka ee Sanca.

Sarkaal u hadlay xuutiyiinta Ansaarulaah oo lagu magcaabo Mohammed Abdulsalam, ayaa xaqiijiyay in ay gebi ahaanba qabsaden caasimada Dalka Yemen ee Sanca, wuxuuna Barta uu ku leeyahay Facebook, ku sheegay in ay si dhaqso ah usoo dhisayaan dawlad cusub.

Qaramada Midoobay ayaa waday dhex dhexaadin la xidhiidha sidii dawlad wadaag ah loo dhisi lahaa, isla markaana dagaalka loo joojin lahaa, balse waxa hindisahaa meesha ka saaray qabsashada Xuutiyiinta ee inta badan Magaalada Caasimada ee Sanca oo sababtay in uu is casilo Raysal wasaarihii dalkaa.

Hase yeeshee saacadihii danbe ee xalay waxa  Qaramada Midoobay iyo Dublamaasiyiin ka soo jeeda dalalka Carabtu ku guulaysteen in xabad joojin deg deg ah la gaadho, isla markaana shirweyne dib u heshiisiineed oo qaran la qabto, taas oo ay labada dhinac aqbaleen oo qalinka ku duugeen.

Madaxweynaha Dalka Yemen Abd Rabbuh Mansur Hadi iyo  Jamal Benomar oo wakiilka khaaska ah ee Qaramada Midoobay ayaa wada jir ugu saxeexay heshiishkaa xabad joojinta Madaxtooyadda Sanca xalay saqdii dhexe sida ay faafisay Wakaalada wararka Yemen ee SABA.

 

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *