Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha  Golaha Guurtida Somaliland ayaa si kulul uga dooday qodob ka hadlaya arrimaha Bulshada oo qayb ka ah ajandaha kalfadhigooda 45aad ee golaha horyaala. Fadhigii golahaa ee maanta  oo uu guddoominayay ku simaha gudoomiyaha, islamarkaana ah Gudoomiye

 

Ku xigeenka labaad ee Golaha Siciid Jaamac Cali.
Mudanayaal door ah ayaa dood ku qaadaa dhigay arrimaha bulshada ee qodobkaasi xanbaarsanyahay Marwo  Faadumo Jaamac Ileeye oo ka hadashay fadhigaa ayaa  tidhi  “Qodobkan arrimaha bulshadu waa qodob aad u balaadhan, waxaan jecelahay in aan ka hadlo waxa uu qodobkani ka taabanayo anshaxa. Waxaan doonayaa in ka hadlo dhalinyaradan moobilada ku daawata waxyaabaha xun-xun, taas oo keentay anshax xumo haysa iyo  dhibaato aad u badan oo diinta iyo dhaqankaba ka hor imanaya, waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo waxa loo yaqaan (Internet-ka) oo isna qayb ka ah waxyaabahaas anshax xumada ah.”
“Markaa waxaan anigu aragtidayda odhan lahaa waa in loo hawl galaa sidii arrimhaas aan soo sheegay ee anshax xumada ah looga hor tagi lahaa. Waana in la sameeyaa wacyi-galin balaadhan oo arrintaa la xidhiidha,”ayay tidhi Marwo Faadumo Jaamac Ileeye.
Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeye waxa kale oo ay ja hadashay xabaalaha oo ay sheegtay in dadka qaar guryo ka dhistaan meel xabaalo ahayd, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Waxa haboon in xeer laga soo saaro arrimaha degitaanka xabaalaha loona sameeyo dayr lagaga baydho  si looga waantoobo in loo adeegsado jago ahaan amaba la dago.”
Marwo Faadumo   iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Waxa kale oo jira oo aan anigu arkay dad xabaalaha jooga oo iyadoo aan maydkaba xabaasha la keenin odhanaya anagaa aasayna arrintaasina waa mid u baahan in indho dheer loo yeesho.”
Farxaan Ciise Ubaxle oo isna ka mid ahaa Mudaneyaashii aragtidooda ka dhiibtay doodaa  ayaa isna waxa uu si gaar ah uga hadlay baahida loo qabo in la helo idaacad weyn oo dalka wada gaadha.
“keenitaanka idaacad weyn oo dalka wada gaadha wasiiro badan baa yidhi waanu keenaynaa, dawladan cusubina waxay balan qaaday inay  sanadkan keento, anigu waxaan leeyahay wadanku hadaanu idaacad wada gaadha lahayn waa wadan dhagola’a,”ayuu yidhi. Farxaan Ciise.
Xildhibaan Farxaan waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca waxbarashada, isagoo yidhi,  “Waxbarashada dalku maanta meel wanaagsan  bay maraysaa, dawladuna Dugsiyadii waxay ka dhigtay bilaash oo ardayda wax lacag ah oo laga qaadaa ma jirto wixii Dugsiga sare ka hooseeya waxanaan anigu leeyahay arrintaa dawladu shaqo wanaagsan bay ka qabatay.”
Xildhibaanku waxa uu shaaegay in uu dawlad iyo shicib-ba u soo jeedinayo in la iska  kaashado sidii loo horumarin lahaa adeegyada asaasiga ah ee arrimaha bulshada sida, caafimaadka, biyaha, waxbarashada, iyo wadooyinka kuwaas oo aad u muhiin ah.
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in wasiirka warfaafintu uu golaha guurtida horyimaado waxaanu yidhi  “Qodobada ina hor yaala waxa ka mida Idaacada, runtii arrintaasi waa mid aad u muhiim ah, aniguna waxaa aragtidayda odhan lahaa masuuliyiinta lala  kulmayo ha lagu daro wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta si aynu wax uga waydiino halka ay marayso hawsheedii.”
Xildhibaan Xareed waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan xagga sicir bararka, waxanuu yidhi “Dawladu way ogtahay sicir-bararka iyo abaaraha dalka ka jira iyadaana u xil saaran, inaguna waynu ognahay doorka inagaga beegan, waana in aynu xukuumada wax ka waydiinaa wixii tallo ahna aynu ku biirinaa. Waxaan soo jeedinayaa arrimahan aynu ka hadlayno in aynu la sugno marka ay inoo yimaadaan masiiliyiinta u xilsaaran ee aynu la kulmayno.”
Maxamed-wali Warsame Cali wuxuu yidhi  “Qodobkani waa qodob aad u muhiin ah oo u baahan in si fiican looga hadlo. Anigu waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta sicir-bararka, waxaad moodaa in ay lacagtu faraha ka sii baxayso sida aniga ii muuqata waayo cashuurtii lama kordhin hadana maceeshadii waa qaali raashinka dad ganacsato ah baa keena ee dawladu ma keento.”
“Bangiguna lacag ma abuuree ta loo dhiibo ayuu hayaa, hadaan hada laga baaraan dagin waxaan aaminsan nahay in ay ganacsatadu la wareegayso, golle ahaanna waa in aynu iswaydiino waxa keenay in uu qiimaha maceeshadu kordho. Anigu waxaan soo jeedinayaa inaynu u yeedhyo wasiirka ganacsiga oo aynu wax ka waydiino arrimahan aynu ka hadlayno. Anigu waxaan soo jeedinlahaa in dadwaynaha xagga diinta wacyi-galin balaadhan lagaga sameeyo,”ayuu yidhi Maxamuud Xareed.
Muxumed Aw Cabdi oo ka mid ah Odayaasha ugu waaweyn golahaa ayaa ka dayriyay xaalada aroosyada dalka waxaanu yidhi “Maanta xaaladdii aroosyadu halka ay marayso waynu ognahay in hudheelo la kiraysto, waxaana la sameeyaa wax aan diinta islaamka shuqul ku lahayn. taasina waxay noqotay arrin ay dhaliyaro badani oo isguursan lahayd uga maageen in ay is huursamadaan. Arrintaasi waxay ka mid tahay hawlaha dhaqanka ah ee ina khuseeya arrintaa anigu waxaan odhan lahaa aynu golle ahaan qaadano doorkeena oo aynu samayno wacyi-galin.”
Mudane Muxumed Aw-Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dhulka oo uu sheegay in ay dhibaato badani ka taagan tahay, isagoo arrintaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Arrinta dhulku waxay gaadhay in imika ilaa buurihii laysku haysto oo maalin walba xabadu ka dhacdo, dhul buuro ah oo laysku haysto. Arrintaa waxa haboon in aynu ka qayb qaadano sidii wax looga qaban lahaa.”
Mudanayaasha golaha guurtida ayaa la filayaa inay sii wadaan doodaa oo ay maalmaha soo socda kusii lafa guraan fadhiyada soo socda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *