bre1Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo  Maxamuud Cali  Yuusuf (Ina Cali Madoobe) oo lagu

naanaysi jiray (Shafeey), ayaa maydkiisa laga helay Huteelka Beel-deeq oo ka mid ah Huteelada Hurdada ee magaalada Hargeysa, kaas oo ku yaal dhinaca Bari ee xaafadda New Hargeysa.

Lama garanayo sababta uu u dhintay Marxuum Maxamuud Cali Madoobe, balse Boqor Maxamed Nuux oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa u xaqiijiyay shebekadaha Arraweelo.com iyo Araweelonews geerida gudoomiyihii komishanka Degmada Ceergaabo.

Boqor Maxamed oo ka mid ah dadka degan Huteelkaa ayaa sheegay in aanay jirin cid cadayn karta sababta uu u dhintay Marxuumka oo maanta duhurkii la oggaaday kadib markii lagu jebiyay qolkii uu ka deganaa Huteelka ee uu soo bxi waayay ilaa shalay.
“waxa maydka marxuumka la geeyay Cusbitaalka Hargeysa, waana la baadhayaa oo dhimashada marxuumka waxa gacanta ku haysa qaybta baadhista denbiya ee Booliska Somaliland, waxanaa anigoo ku hadlaya magaca madax-dhameedka Sanaag tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumkana waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo” ayuu yidhi Boqor Maxamed Nuux.

Dhinaca kale bahda shebekadaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com, waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan qoyskii, qaraabadii , Eehelkii iyo shacbiga gobolka Sanaag ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cali Madoobe, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wixii kasoo kordha warkaa kala soco wararkayaga danbe insha Allaah.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *