diyaarad burburtay1Moscow(Araweelo News Network)Xukuumadda Rashia ayaa xaqiijisay burburka Diyaarad laga lahaa dalkaa oo ku dhacday Maanta  magaalada Kazan ee Koonfurta dalkaa, iyadoo ka duushay

 

Caasimada dalka Rashia ee Moskow oo aan ka durugsanayn  magaalada Kazan.

Dadka ku dhintay diyaaradaa waxa ka mid ahaa Rustam Minnikhanov oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha goboka Tatarstan  Irek Minnikhanov iyo sidoo kale laba caruur ah oo yar yar, gabadh yar oo uu dhalay Nin caan ka ah dalka Rashia oo ka faalooda Ciyaaraha Rashian Sprorts .
Sidoo kale waxa dadka ku haligmay ka mid ah dad u dhashay dalka Britain, kuwaas oo ilaa hada tiradooda aan la xaqiijin, balse dawlada Britain  xafiiskiisa arrimaha debeda ayaa sheegtay in ilaa hada muwaadin u dhashay Britain ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkaa.Irek Minnikhanov iyo sidoo kale laba caruur ah oo yar yar.
Sidoo kale waxa dadka ku haligmay ka mid ah dad u dhashay dalka Britain, kuwaas oo ilaa hada tiradooda aan la xaqiijin, balse dawlada Britain  xafiiskiisa arrimaha debeda ayaa sheegtay in ilaa hada muwaadin u dhashay Britain ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkaa.
Diyaaradaa oo ahayd kuwa rakaabka qaada ee nooca 737 ayaa gebi ahaanba bur-burtay,  kadib markii cilad si lama filaan ah usoowaajahday diyuuradda wax yar ka hor xili ay doonaysay in ay fadhiisato garoon ku yaal magaalada Kazan.
Madaxweynaha Rashia Vladimir Putin ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay shilkaa, iyadoo madaxa faderaalka ee Hay’adda amaanka  Aleksander Antonov deg-deg ugu baxay magaalada shilka Diyaaradu ka dhacay.
Saraakiisha dalka Rashia ayaa sheegay in gebi ahaanba dadkii rakaabka ahaa ee lasocday  diyaaradda ay ku naf waayeen shilkaa, iyadoo 44 rakaab ah iyo 6 kamid ahaa shaqaalaha diyuurada oo uu kamid ahaa duuliyuhu saarnaayeen diyaarada.

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Ruushka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan FSB ayaa wakaaladda wararka Inter-Fax  u sheegay in aanay jirin cid ka badbaaday oo ay ku haligmeen dhamaan rakaabkii saarnaa.

Maaha markii u horaysay ee shil diyaaradeed ka dhaco Dhabaha diyaaradaha ee magaalada Kazan , iyadoo magaaladaasi caan ku ah shilalka diyuuradaha, waxaan sanaddii 1990-kii ka dhacay shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen boqolaal qof.sidoo kale sanaddii 2000 waxaa ka dhacay shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen dad kabadan 100, kuwaas oo saarnaa diyaarad nooceedu ahaa Bong 737.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *