somalimemo.netDjibouti(ANN)Maydadka iyo dhaawaca askar ka tirsan ciidanka nabad Ilaalinta Djibouti ee ku sugan badhtamaha Somalia, ayaa loo daad gureeyay dhinaca dalka Djibouti. kadib markii ay Malayshiyada Al-shabaab xalay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo

 

ay ciidamada Djibouti ku leeyihiin Magaalada Beledweyn ee badhtamaha Somalia.
Sarkaal lagu magacaabo Kabtan Samatar Ducaale oo Djibotian ah ayaa Idaacadda VOA-da u  xaqiijiyay in ciidankooda xalay weeraro culus lagusoo qaaday, balse sarkaalku ma cadayn khasaaraha weerarkaa.

warar ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in askar lagu qiyaasay 20 isgu jira dhaawac iyo dhimasho maanta laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kuwaas oo diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Djibouti ay ka qaaday Beledweyne saaka barqadii, isla markaana loo gudbiyay dhinaca dalka Djibouti.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarkaa oo ay sheegeen inay xalay ku qaadeen fadhiisimada ay deganaayeen ciidanka Djibouti malayshiyaad iyaga taabacsan, kuwaas oo sida ay sheegeen gudaha u galay magaalada, isla markaana weeraray galbeedka magalaadaa ee Buundada Liiq-Liiqato,Suuqa Xoolaha iyo xaafadda Hurwaa oo ah meelaha fadhiisinka ciidanka Djibouti ku leeyihiin.

Beledweyn waa Magaalo mihiim ah oo ku taal badhtamaha Somalia, waxayna dawlada Djibouti ciidamadeeda geysay kadib markii ay halkaa ka baxeen ciidamada Ethiopia sanadkii hore.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *