Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka muran ka taagnaa oo hor yaalay golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo ay ahaa xeerkaTakaaliifta amniga madaarrada Somaliland, isla maraakana ogolaanayay in lacag laga qaado

Madaarada oo wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland qaado la meel mariyo,  balse muran iyo doodo ka taagnaayeen.

Hase yeeshee fadhigii maanta ee Golaha wakiiladda oo uu Gudoominayay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad  Baashe Maxamed Faarax, waxa Golaha ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee aqalkaasi ka kooban yahay, kuwaas oo cod loo weydiiyay xeerkaa.

46 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta xeerka Takaaliifta amniga madaarrada Somaliland, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa ka aamusay, iyadoo aanu guddoomiyuhu codayn, sidaana waxa uu goluhu ku meel mariyay xeerka takaaliifta amniga madaarrada dalka ee 10-ka Dollar ee lagu soo rogay kabaabka diyaaradaha.

Ansixinta xeerkan ayaa muran iyo doodo ka dhasheen, iyadoo ay mudanayaashu ku kala aragti duwanaayeen, balse ugu danbayntii waxay ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah. kadib markii ay dhamaatay doodii mudanayaasha ee la xidhiidhay xeerkaa, iyadoo xeerku jideeyay in lacagtaa oo ah $10 dollar ee lagu soo rogay rakaabka diyaaraha ay maamusho Hay’adda NASHA oo ah shirkad gaar loo leeyahay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *