Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa  digreetooyin kala duwan ku magcaabay sadex xil, kuwaas oo uu u kala magcaabay Ciidanka Qaranka, Asluubta iyo Booliska. sidaana waxa lagu sheegay qoraal digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha caawa

 

caweyskii oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.
Qoraalka magcaabista xilalka uu Madaxweynuhu u magcaabay masuuliyiintaa ayaa nuxurkiisu ahaa sidan;-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL. sidoo kale waxa uu digreeto sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013  ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL; Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso, isla maraakana Markuu Ku Qancay, wuxuu go’aansaday In ay  hanan karaan xilalka loo magacaabay masuuliyiintaa oo kala ah sidan:

In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *