Nairobi(AAN)Ugu yaraan 42 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska dalka kenya ayaa Maydkooda la keenay caawa xarunta dalka Kenya ee Nairobi. kadib markii lagu laayay weerar maalinti Sabtidii ka dhacay Sambru oo rabshado ku dhexmareen dadka

deegaanka oo kala dhacay xoolo.
Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska dalka kenya ayaa sheegay caawa inay aad ugu xun yihiin falkaa, wuxuuna cadeeyay tirada ilaa hada la ogaaday ee lagu dilay weerarkaa saraakiisha Booliska Kenya inay dhaafeen 42, kuwaas oo maydkooda la keenay Nairobi.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inay rabshado kale ka dhacaan deegaankaa, balse dawlada ayaa u dirtay ciidamo dheeraad ah oo hubaysan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *