London(ANN)Madaxa wararka ee Idaacada BBC, Haweenayda lagu magcaabo Helen Boaden iyo ku xigeenkeeda, Steve Mitchell, ayaa iska  wareejiyay xilkii ay ka hayeen Idaacada inta ay ka dhammaaneyso baadhitaanka barnaamij BBC hore looga sii daayay oo la joojiyay, kaas  oo

 

ku saabsanaa eedeymaha xadgudubka carruurta ee lala xidhiidhiyay siyaasiga Mr. Jimmy Savile.
Muran iyo khilaaf ayaa ka dhashay saamaynta uu adeegyada barnaamijyada iyo wararka ee Idaacada ka baxa ku yeeshay fadeexadaha ka dhashay barnaamijkaa oo sababay inuu iska  casilo xilkii Agaasimaha  Guud ee BBC, George Entwistle sabtidii todobaadkan. kadib markii warbixin uu sii daayay telefishinka BBC oo gudaha la hadlaa baahiyay fadeexado lagu eedeyay inuu xadgudub ku sameeyay carruur yar yar siyaasiga Mr. Jimmy Savile

Haseyeeshee  Ku simaha Agaasimaha Guud ee BBC, Tim Davie ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka horyaal BBC. oo si weyn u dhaawaci kara sumcada Idaacada BBC iyo barnaamijyada ka baxa ee maqal iyo muuqaalka ah.

Tim Davie waxa uu sheegay in uu sameyn doono khad cad oo ku saabsan cidda masuulka ka ah wararka. sidoo kale  Email uu shaqaalaha u kala diray wuxuu Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee BBC, Tim Davie ku sheegay  inuu wax ka qaban doono waxa uu ku tilmaamay kala caddeyn la’aanta cidda masuulka ka ah tifaftirka iyo maamulidda wararka BBC iyo barnaamijyada.

Mr Entwistle waxaa uu xilka iska casilay kadib dhaleecayn kaga timi  sida uu u maamuley war ay sii deysey BBC-da, barnaamijkeeda caanka ah ee  Newsnight oo laga baahiyo telefishanada maxalliga ee BBC, kaas oo si khaldan ugu eedeeyey siyaasi hore oo British ah inuu ku lug lahaa tacadiyo carruur loo geystey kadib markii sida lagu sheegay barnaamijkaa  tacadiyo galmo ah lagu sameeyay, kuwaas oo lagu eedeeyay inuu geystey Jimmy Saville oo ahaa weriye caan ah oo BBC ka tirsanaa muda dheer.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *