Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha  xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaan laga fursanayn in xiligga doorashada Somaliland loo qayshado qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika, maadaama ayuu yidhi aanay xukuumaddu

 

dhex u ahayn Ururada, isla markaana aanu jirin garsoor laysku halayn karo oo cadaalad ah.
sidoo kale Eng. Faysal, wuxuu si weyn uga qayliyay mushkilad ka dhalankarta haddii la meelmariyo xeerka sirdoonka qaranka ee dhowaan golaayshu ansixiyeen, balse aanu weli madaxweyne siilaanyo qalinka ku duugin,  wuxuuna shacbiga ugu baaqay in laga hortago xeerkaa oo horseedi kara cawaaqib xumo.

GudoomiyahaUcid Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, wuuxna ku tilmaamay xeerka sirdoonka mid  ka hor imanaya qadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana dalka u horseedi kara bur-bur,  haddii aan laga hortegin , isagoo bulshada Somaliland ugu baaqay inay hor istaagaan ansaxinta xeerkaa ,maadaama uu yahay mid aan waafaqsanayn xoriyatul qawlka iyo xaqa rayi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.

Gudoomiyaha UCID, isagoo sharaxaad ka bixinaya Xeerka Sirdoonka iyo Xeer Lambar 14 ee doorashada, waxa uu yidhi,  “Xeerarka  la sameeyay  ee sirdoonka, waa xeer aad moodo in laga soo dheegtay kii Siyaad Bare, waxaanu jecelnahay xeerkaa  lagu cabudhiyo dadka oo kasoo horjeeda xeerkii aynu  ku noolayn oo sheegaya indadka reer Somaliland la dhagaysto siyaasi iyo qofkasta hadalkiisana la duubo.

Hadaad wax ka sheegtid madaxweynaha iyo dawlada wuxuu sheegayaa xeerku in intii la doono lagu xidhi karo, waxaynu ba,nay maalintaynu siidaynay xeer no:14,kaa miidhiyaha  ee la leeyahay  waxaa lala wareegayaa qalabka hay’addaa warbaahineed haysato.  Maaha wax dalka ka soconaya,waxaan ugu baaqayaa ururada madaxa baanan inaan iska kaashano sidii loo joojin lahaa xeerkaa sirdoonka,waxaanu jecelnahay shacabka ree somaliland  inay iyaguna dhinacooda ka istaagaan ,haddii ay labadaa xeer inagu socdaan sidii kii lambar:14 oo maanta ah ka doorashada kala diray baarlamaankii iyo guurtidii, haddii aynu kana siidayno Somaliland dumuqraadiyadeedii khatar ayay galaysaa, markaa waxaanu jecelnahay inay bulshadu mid mid u akhriyaan oo aan codmidaysan kuwada diidno”
Dhinaca kale  Eng. Fasal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay  doorashada  golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsooto  28 November 2012, taas  oo uu sheegay inaanay xukuumaddu dhex  ka ahayn ururada ku tartamaya oo  ay qaar ka mid ah Ururada oo aanu sheegin u xaglinayso.

wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo  ugu baaqay inuu joojiyo waxyaabaha ay ka imankaraan iskudhac dadwayne oo ay joo jiyaan xisbul xaakimku xildhibaano uu sheegay  inay xukuumaddu  ku iibsanayaan hantida ummada, kuwaas oo sida uu ku dooday la leeyahay ka tanaasula  musharaxnimada, waxaanu idin siin doonaa mansab,  ama lacag, iyadoo la marayo dariiq khaldan oo xaafadaysan.

“Waxa  muuqata in dalkii olale bulsho ku wada jiro, waad ogatihiino xildhibaanadii wakiilada iyo guurtida,  xeer No:14 ayaa u fasaxay inay urur kasta gali karaan ,way iska xaadiriyeen oo midkastaa olale ayuu ku jiraa, guurtidiina olole ayay ku  jirtaa, dawladiina ololay kujirtaa madaxwaynihiibaa  iyo masuuliyiintii kale oo dhan ayaa Olole ku jira. markaa waxa meesha ka maqan cudidii sedexaad ee ilaalinlahayd ee inoo kala garqaadi lahayd  ee xilku saarnaa ee la rabay inay noqoto dhex-dhaxaad oo la socoto hawlaha doorashooyinka. sidaa awgeed waxaanu u aragnaa inaanu u baahanahay  qaramada midoobay (United Nation ) iyo Ururka Midawga Afrika oo aanu nidhaahno waxaanu nahay xoogag siman, oo aan xil saarnayn nabad gelyadii yay naga bur-burin ee noo kaalaya oo cid noo soo dira.”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *