Maxkmadda Gobolka Hargeysa Oo Ku Dhawaaqday Go’aanka Dacwada Masuuliyiinta Ku Eedaysnaa Musuq-maasuqa Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka hargeysa, ayaa soo saartay go’aanka dacwada mudada dheer soo jiitamaysay ee masuuliyiinta ku eedaysnaa musuq-maasuqa. Godoomiyaha maxakamadda C/rashiid Duraan oo ka garsooyayay kiiskaa, ayaa saaka subaxnimadii hore ku dhawaaqay xukunka sadexdaa

 

Masuul, kooxdii la xidhnayd iyo kuwo maqan.
Badhasaabkii Gobolka Axmed C/llaahi Xamarji iyo Agaasimhii Guud ee Dib u dejinta Axmed Barre Cilmi yare, ayaa lagu xukumay midkiiba 3 (sadex) sanandood iyo weliba ganaax, la taliyihii Madaxweyne xigeenka ayaa isna lagu xukumay  1 sano. Sidoo kalena waxa xukumo kala duwan lagu riday eedaysnayaasha kale ee loo xidhay raashinkaa iyo kuwii masuulka ka ahaa  raashinka oo maqan.
Ku dhawaaqista go’aanka Dacwadan uu maanta  Garsooraha Dacwadaasi gacanta ku haya oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan ku dhawaaqay , ayaa oo af-jaray dhegeysiga dacwadaa oo muddo gaadhaysa Sadex bilood socotay.
Ku dhawaaqista Go’aanka Maxkamadda ayaa dadkii dhegeysanayay ee ehelada maxaabiistaa iyo qareenada u doodayay ayaa ka bixiyay jawaab diidmo ah, iyadoo ay maxkamadda horteeda saaka isa soo dhoobeen boqolaal qof oo sugayay go’aankaa, waxaana la arkayay dadka oo dareen cadho leh ka muujiyay dhawaaqa go’aankaa.
Go’aanka xukunka haddii ay suurta gasho dib ayaan idiinka soo gudin doonaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *