Go’aanka Maxkamadda Ee Masuuliyiinta Ku Eedaysnaa Musuq-maasuqa Oo Bar Madaw Ku Noqday Rajadii Laga Qabay Garsoorka Somaliland,  Muuqaalkii Iyo Dareenkii Ka Dhashay Hargeysa(ANN)Subaxnimadii hore ayaa la xidhay wadooyinka soo gala Maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo la geeyay ciidamo dheeraad ah, kuwaas dadka iyo gaadiidkaba joojinayay, si aanay ugu gudbin wadooyinkaa, ama jidadka hareeraha

 

ka gala Maxkamadda.

Masuuliyiinta ku Eedaysnaa  musuq-maasuqa iyo eedaysanayaasha kale ee la xidhnaa oo si weyn loo ilaalinayo, isla markaana ay gelbinayaan gaadhiga lagu siday kolanyo gaadiidka Booliska,  ayaa deg-deg loogu shubay Hoolka dhegeysiga dacwaada, waxaana loo ogolaaday dad tiro yar oo ka mid ah Ehelada asxaabta iyo dadkii danayay inay goob joog ka noqdaan go’aanka dacwadaa oo mudo soo jiitamaysay, koox  suxufiyiin  ah oo goobta joogtay xiligaa oo usoo kalahay inay iyaguna goob joog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda, ayaa Ciidamada Booliska ka tirsan oo taxadir dheeraad ahi ka muuqdaa  u sheegeen inaan loo ogolayn inay goob joog ka noqdaan go’aankaa. Sidoo kale waxa loo diiday dad kale oo nasiib u yeeshay inay subaxnimadii hore intii aanay ciidamadu xidhin wadooyinka gaadhaan barxada hore ee Maxkamdda, kuwaas laga hor istaagay hoolka go’aanka lagaga dhawaaqayay.

Waxay ahayd xili hore, waxayna dadka barxada tubnaa qaarkood u haysteen inaan la keenin weli maxaabiista ay sugayaan, iyadoo la joojiyay shaqooyinkii iyo hawlihii maxakamadda  sida caadiga ah ay maalin walba qaban jirtay. Qadar yar ka dib waxa soo baxay waxoogay dad ah oo  ku jiray gudaha, kuwaas oo dareenkooda laga arki karayay firkanaxa ku dhacay. Kadib markii garsooraha Kiiskaa gacanta ku hayay ku dhawaaqay go’aankiisa.
Gudoomiyaha maxakamadda gobolka, isla markaana ahaa  Garsooraha  kiiskaa gacanta ku hayay C/rashiid Duraan,  ayaa maxkamadda kaga dhawaaqay xukuno kala duwan oo lagu riday Sadexda Masuul ee ugu tunka weynaa eedaysanayaasha, wuxuuna sheegay  in  Badhasaabkii Maroodijeex Axmed C/llaahi Xamarji, Agaasimhii wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre (ina Cilmi Yare) midkiiba lagu xukay sadex sanadoo,  ka dib markii  sida uu sheegay Garsooruhu lagu helay inay fududeeyeen raashinkii mucaawimadda ahaa ee la musuq-maasuqay.
Eedaysanaha kale ka mid ahaa Masuuliyiintaa La Tliyihii Madaxweyne xigeenka Somaliland  Cismaan Siciid Jaamac, ayaa isna lagu xukumay  1 sano iyo sadex milyan oo shilin oo ganaax lacageed ah, waxaana maxkamaddu sheegtay in lagu helay xil-gudasho la’aan. Iyadoo aanu garsooruhu tafsiir la qaadankaro ka bixin xukunkiisa. Sidoo kale kooxda iyana ku edaysnaa musuq-maasuqa oo uu ka mid ahaa nin Ganacsade ah oo lagu magcaabo Cabdi Shakuur Cabdi Nuur oo ku eedaysnaa inuu iibsaday raashinkaa iyo  masuuliyiintii  hay’adda keentay raashinkaa macaw imada ahaa oo iyagu maqanayaal ahaa, ayaa lagu xukumay inta u dhaxaysa 4 sanadood iyo 8 sanadood, kuwaas oo kala ah Axmed Maxamud Geele (Timcade) Gudoomiyihii NGO-ga Siwo, Ibraahin Cumar Maxamuud (Maqane) xubin NGO-gaas ka mid ah.Xuseen Axmed Xayd Sakaaro (Maqane), Faadumo Cali Guuleed (Maqane) iyo Dayr Aw Faarax Maxamud (Maqane) ah. waxaana xoriyadoodii loo soo celiyay laba nin oo ka mid ahaa koox dad ah oo meelo kala duwan laga soo qabtay intii kiiskaasi socday.
Go’aanka Maxamadda kadib  Garyaqaan  Maxamed Saalax oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa qareenada difaacayay  masuuliyiintaa, ayaa  xukunka maxkamadda ku  tilmaamay inaanay ku qanacsanayn oo ay ka qaadan doonaan racfaan.
Sidoo kale  Garyqaan  C/raxmaan  oo ka mid ahaa qareenada u doodayay kooxdaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay maxkamaddii dacwada qaadaysay ee dhegeystay xaqaa’iqii ay sidan wax u soo saarto, balse ay sida sharcigu farayo rafcaan u qaadanayaan Maxkamaddaha ka sareeya.
Markii go’aanka lagu dhawaaqay waxa markiiba lagu celiyay maxaabiista xabsiga dhexe, iyadoo ay boqolaal qof oo ka xumaaday xukunkaa isugu soo urureen barxada Maxkamadda, isla markaana Booliska ayaa ka cabsi qabay inay dadkaasi gedood sameeyaan, waxaana kiiskaasi galaafatay dhamaan adeegyadii iyo shaqooyinkii kale ee Maxkamaddu maanta qaban lahayn,  iyadoo aan la furin xafiisyadii  ee sidaa lagu fasaxay maxkamadda iyo hawlwadeenada ka hawlgala, wxaana gudoomiyaha go’aanka ku dhawaaqay boolisku ka qaadeen xafiiska wax yar ka dib markii uu qaraarka ku dhawaaqay.
Sadexda Masuul ee kala ahaa Badhasaabkii Maroodi jeex Axmed C/llaahi Xamarji, Agaasimhii wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre (ina Cilmi Yare) iyo La Taliyihii Madaxweyne xigeenkaa Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, waxa  xabsiga loo taxaabay 10 March  2012, kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq, isla markaana xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay. Madaxweyne xigeenka Somaliland oo qoraalka xil ka qaadistaa maalintaa saxaafada u akhiriyay, ayaa sheegay inay faraha kula jireen eedo musuq-maasuq sidaana xilalkii ay hayeen laga qaaday oo xabsiga loo taxaabay, isagoo yidhi,  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.”
Hase yeeshee eedaha masuuliyiintaa, ayaa dacwadooda mdo ka dib laga bilaabay maxkamadda gobolka, waxaana dhegeysiga dacwada loo haystaa soo jiitamayay bilihii u danbeeyay, iyadoo maxamaddu dhegeysatay in ka baddan dhawr iyo labaatan markhaati oo maxkamadda la hor keenay, balse dhamaan markhaatiyaashaa  oo uu baddan ciidanka Booliska, isla markaana uu ku jiro Taliye xigeenka Ciidanka Booliska, balse dacwad oogayaasha   ayaa ku guuldaraystay inay maxkamadda horteeda keenaan wax cadaymo ah oo muujinaya inay sadexdaa masuul lunsadeen raashin iyo inay sameeyeen musuq-maasuq, waxayna markhaatiyada maxkamadda la keenay noqdeen kuwo  aan markhaatigoodu muujinayayn inay wax  musuq-maasuq ah galeen masuuliyiinta xilka lagaga qaaday inay faraha kula jireen musuq-maasuq, taas oo sabab looga dhigay xadhigooda iyo xil ka xayuubintoodaba.
Mudadii ay socotay dhegeysiga dacwada oo soo jiitantay, waxa mararka qaar la maqlayay,  iyadoo eedaha la doonayo in loo bedelo xilgudasha la’aan. Kadib markii dacwad oogayaashu u arkeen inaanay waxba ka jirin eedihii mala awaalka ahaa ee musuq-maasuqa, balse qareenada difaacayay ayaa doodo kulul ka hor geeyay, kuwaas ku khasbay inay dib u liqaan dacwad oogayaasha kiiska, maadaama ay haddii ay eedayntu noqoto masuuliyad daro ay su’aalo baddan soo gelayaan meesha, isla markaana ay eeda nocaas ahi meesha soo gelinayso shaqsiyaad masuuliyiin kale oo kiiska la baalmarinayay.
Inkasata oo dhegeysiga dacwadu mudooyinkii hore si degan u socday, hadana waxa soo baxayay sheekooyin bilawgiiba si weyn bulshadu u hadal haysay oo ahaa in sadexdaa masuul arrintoodu aanay ahayn musuq-maasuq ee ay tahay shirqool siyaasadeed oo kasoo baxay koox yar oo ah shebekad isku xidhan oo yeelan lahaa masuuliyada dhabta ah ee hawshaa raashinka la musuq-maasuqay.
Garsooraha gacanta ku hayay Kiiska C/rashiid Duraan, ayaa ahaa ka laga sugayay go’aanka maxkamadda sax iyo khalad, cadaalad iyo cadaalad-daro midkuu doono ha ahaadee, balse dadka dhegeysanayay dacwadaa bilawgii ilaa gebegebadii u danbaysay  iyo bulshada kale ee kala socotay warbaahinta  oo si weyn indhaha ugu hayay kiiskaa gudo iyo dbedba, ayaa qaadan waayay go’aanka maanta kasoo baxay garsooraha, kaas oo lama  filaan ku noqday bulshada, wuxuuna  go’aanka maxakmadda ee lagu dhawaaqay meesha ka saaray rajadii laga qabay sheegashada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku faanaysay inay dib u habayn ku samaysay garsoorka Somaliland oo tan iyo intii ay Somaliland jirtay niyad jab iyo cadaaladdaro bulshadu ka tirsanaysay, kaas oo si cad u iftiimiyay in aanu garsoorku ahayn mid ka madaxbanaan faragelinta siyaasada sida  looga bartay xuuukamaddii hore ee soo maray Somaliland, isla markaana aanay waxba ka bedelin xukuumadda Siilaanyo, marka laga reebo ashkhaas laysku bedelo oo dhinaca Hay’addaha garsoorka ah. si kastaba ha ahaatee go’aanka gudoomiyaha maxakamadda Gobolka Hargeysa  C/rashiid Duraan  oo ka garsooray kiiskaa ku raiday masuuliyiintaa, ayaa lagu tilmaamay mid bar maddaw ku ah rajadii laga qabay garsoorka iyo cadaaladda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *