“Wasiir wax usoo doonta lama rabee, wasiir wax ku soo Dara ayaa loo baahan yahay.” Marwo Adna

“Dawlad kooban oo tayo leh ayaan doonaynaa, hadana yaan beel heblaayo laga tegin meesha ma qabato” Dr. Bulxan

Hargeysa (ANN)“Maanta waa maalintii ay Somaliland ka gudbi lahayd nidaamka Beelaha, anaguna waxaanu ku dedaalanay in laga tago Lixdan wasiir oo waxaanu kusoo koobnay 15 wasaaradood, madaxweynuhuna wuxuu doonayaa inuu ogaado dareenka dadka, isagoo horeba u ogaa in aanay dadku rabin Wasiiro Beelo ah, balse ay doonayaan isbedel dhab ah iyo in laga tago Beelo. Sidaa awgeed maanta

 

 waa maalintii ay Somaliland ka gudbi lahayd Beelaha, maalintii aynu u yeedhi lahayn shaqsi Beelaha oo dhan metela ee aan  oo masuul qaran ah, laakiin aan Beel metelin, isla markaana shaqadu xagga hoose ka socoto, siyaasaduna sare ka socoto, madaxweynahana yaan lagu dirqiyin dawlad tiro badan oo aan tayo lahayn. Sidaa waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah xubnaha gudidaa oo ka jawaabayay su,aalo ay suxufiyiintu ka weydiiyeen qaabka ay kusoo talo bixiyeen ee dhismaha dawlada cusub iyo sida looga guurayo nidiimka qabiilka ee daashaday bulshada Somaliland.

 

 

 

Sidoo kale Dr. Adna Aadan oo ka mid ah gudoomiye xigeenka  gudida oo faahfaahin ka bixinaysa talada iyo qorshaha ay gudi ahaan soo jeediyeen ayaa tidhi, “Wasiir wax usoo doonta lama rabee, wasiir wax ku soo dara ayaa loo baahan yahay.” Marwo Adna oo ka hadlaysay musuqmaasuqa waxay sheegtay inay  dunida  u martay Bulshada Soomaalida inay yihiin dad musuqmaasuqa. Sidaa awgeed loo baahanyahay inay guddi ahaan is tuseen in la sameeyo Ha’yad la dagaalanta musuqmaasuqa. Sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in la kala ilaaliyo hantida Ummada iyo hantida gaarka loo leeyahay.   

Marwo Adna oo la dardaarmay saxaafada waxay tidhi, “saxaafada waxaan usoo jeedisnayaa  in faalooyinka  iyo toosintooda, ama tilmaamaha ay qorayaan aanay noqon kuwo ay hub ka dhigtaan dadka cadawga Somaliland ahi, go’aankana isagaa leh madaxweynuhu, anaga waxa naloo diray qaab dhismeedka dawlada oo keliya, markii aanu dhinac walba  ka eegnay, waxay nala noqotay sidaa. Markaa idinkuna ka saxaafad ahaan ha ilaabina waajibka idinka saaran dalkiina iyo in laga guuro nidaamka xun ee Beelaha.”

Dr. C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah gudida ayaa isagoo ka jawaabaya qorshaha ay kusoo taliyeen gudidoodu, waxa uu sheegay in la tixgelinayo rabitaanka Bulshada, isagoo xusay in Madaxweynaha cusub ee gudidan u diray talooyinka uu ogayahay in dadka maanta dooratay aanay diyaar u ahayn in loo dhiso xukuumad Beelo ah. Sidaa awgeed gudidu iyadoo eegay maslaxada Ummada iyo danta qaranka ay qorshahaa iyo talooyinkaa u gudbisay madaxweynihii u wakiishay hawshaa.

Sidoo kale Dr. Xuseen C/llaahi Bulaxan oo ka mid ah aqoonayhanada loo xilsaaray inay kasoo taliyaan qaabka loo dhisayo dawlad kooban oo tayo leh ayaa sharaxaad kooban ka biyay halka uu marayo maanta wacyiga Bulshadu, isagoo yidhi, “maanta beelo la heshiisiinmaayo, waxa loo baahanyahay inay shacbigu ogaadaan inay iyagu doorteen Madaxweynaha cusub, dawlad kooban oo tayo leh ayaan doonaynaa, hadana yaan beel heblaayo laga tegin meesha ma qabato, yaan la ilaabin heerarkii aynu soo maray iyo halkaynu maanta taganahay.”

Dhinaca kale qoraal kooban uu Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo maanta ugu mahadceliyay hawshii ay qabteen gudidaa iyo talooyinkii ay soo jeediyeen ayuu ku sheegay inuu mar kale u xilsaaray gudidaa inay soo sameeyaan qorshaha  xukuumadda cusub ee aan weli dhismeheeda lagu dhawaaqin, isagoo yidhi, “Mudanayaal iyo  Marwooyinwaxaan si  xushmad iyo qadarin leh  idiinka mahad celinayaa hawshii aan idiin xil saaray, sidaad la socotaana xukuumadda cusub waxaa laga sugayaa waxqabad badan sidaa darteed  waxaan idiin xil saaray sida waxqabadka dawlada mudnaanta look ala siinayo, boqolka maalmood iyo Lixda Bilood ee u horeeya’.

Waxayna isla maantaba gudidu hawlahaa iyo sidii ay u gorafayn lahaayeen kulamo ay kaga arinsanayaan ka bilaabeen Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *