u_86776d_2013-1-3-12-20-44f_SAM_3474Hargeysa(ANN)  Guddomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana ah Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa si weyn isaga difaacay dhaleecay uu marar badan u jeediyay gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo musharixiisa

 

u taagan doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee soo socota, kuwaas oo gudoomiyaha waddani ku tilmaamay nin sharciga ku tumanaya oo isku haya laba xil.

Gudoomiyaha Waddani C/raxmaan Cirro oo maanta ka hadlayay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taas uu Xisbiga Waddani ugu  dabaal dagayo Guushii uu ka gaadhay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2012.

C/raxmaan Cirro oo hadal ka jeediyay munaasibadaa wuxuu sheegay in aanu jirin sharci u diiday inuu labadaa xil ee Gudoomiyaha Wakiiladda iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani isku hayaa, wuxuuna  masuuliyiinta UCID ku tilmaamay inay yihiin kuwo xisbigoodu u samaysan yahay oo keliya in dadka laga caayo, balse aan hayn ajande kale iyo qorshe siyaasadeed midna.

Guddomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan (Cirro) oo ka hadlaya dhaliilaha masuuliyiinta xisbiga Ucid u jeediyeen, wuxuu yidhi,  “Waxa soo baxay xisbiyo qaran, laakiin waxaad modaa madaxda xisbiyada qaarkood ee hada soo baxay in ay xisbi nimada u rabeen oo keliya laba arrimood oo kala ah, inay helaan makarafoon ay ka caytamaan, midna wuxuu ahaa inay 10 sannadood shahaadada helaan si ay makarafoonka uga caytamaan,”ayuu yidhi Cirro.

Guddomiye Cirro, wuxuu ku dooday inay sharci tahay inuu laba xil isku hayo, isagoo yidhi,  “Waxaad moodaa in siyaasiyiinta qaarkood shacbiga ku hayaan jiho habaabin, Waxa jira xeerar Dastuurka ku qeexan oo aan laysku qaban karin,  kuwaasna waxa cadeeyey oo ay si cad ugu qoran yihiin Dastuurka jamhuuriyada Somaliland, qaranku wuxuu ka kooban yahay sedex waaxood oo midi sharci dajin tahay,  midna waa fulin, midna waa garsoorka, oo aanu xubin ka mida 3-daa xubnood midkood aanu mid kale qaban Karin, ninka ku jira Golaha wakiilada ee wasiir loo magacaabo waxaa ku waajiba inuu iska casilo, si uu xukuumada uga mid noqdo.  Saaxiibaday mudo dheer ayay ku qaylinayeen Gudoomiyaha Golaha wakiiladu xaqma u leeyahay in uu noqdo gudoomiye Urur, sanad bay ka baadhayeen Dastuurka oo ay gaadheen inay Looyaro qabsadaan,  waxay u tageen xisbiga talada haya ee kulmiye waxayna ku yidhaahdeen meel ay ku taalo laba xil iskuma hayn karo maanu arrag, waxa kale oo ay u tageen Ururadii siyaasada iyaguna waxay ku yidhaahdeen meel ay ku qoran tahay maanu arrag inaan labada xil lay is ku ahayn Karin.”Ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha Waddani wuxuu fariin digniin ah u diray Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, isagoo  yidhi,  “Kalmad baan ku dirayaa Jamaal sil-silad xaydha la yidhaahdo ayaa jiri jirtay oo niman isku deegaan ah ayaa soo dhex galay, dabadeedna nin kale ayaa soo dhex galay oo guuleed xawaashe ayaa soo dhexgalay. kadibna waxay yidhaahdeen maxaa ninkaasi ina soo dhex galiyey, waxaan saaxiibkay Jamaal u sheegayaa in uu arrinkaasi ku xiiqay sanad dabadeedna cid ka nasisa ayuu doon doonayay Faysal oo Jamaal ku yidhi iga nasi, laakiin Jamaal mar kale waan la taliyey oo waxaan ku idhi qori nin kale cabeeyey ha ku xiiqin, waxaana kuu sheegayaa in aanad ku xiiqin arrin nin kale ku xiiqay oo iskaga hadhay”.ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha Xisbiga Waddani,  waxa uu sheegay inay deg -degayaan xisbiga UCID, sidaa awgeed  loo baahan yahay inay gartaan cida ay mucaaradka ku noqonayaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Xisbiga UCID waa xisbi mucaarid ah waxa la doonayaa in cida uu mucaaridka ku noqonayo uu garto, waad soo yara deg degteene mucaaradadiinu waxa ay ahayd inaad mucaaradaan Muuse Biixi iyo saaxiibkay Axmed Siilaanyo oo labadeena waxa la inaga rabay inaynu iska kaashano mucaaridada”.ayuu yidhi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *