Hargeysa(ANN) Maxkamada Sare Somaliland ayaa maanta bilawday  dhegaysiga dacwad  ku saabsan labada garab ee  Xisbiga mucaaridka  UCID  oo ku kala qaybsan cida leh awooda hogaaminta ee xisbigaa oo khilaaf weyni ka taagnaa mudooyinkan, isla markaana dhinac waliba dhinaca ku tilmaamay

 

in aanu sharci ahayn. Labada garab ee ay kala hogaaminayaan Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Mire Waqaf.
Amaanka Maxkamadda sare ayaa  aad loo adkeeyay, iyadoo ciidanka booliska la dhigay hareeraha maxkamadda iyo jiadadka soo gala. Guddoomiyaha Maxkamada Sare  ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhegeystay dhinacyada ku muransan xisbigaa, iyadoo dhinac walba looyarada Qareenada  u ahi horyimaadeen Maxkamadda si ay dacwoodada iyo waxyaabaha ay ku doodayaan uga cadeeyaan maxkamadda horteeda.
Dhegeysiga  dacwadaa  oo aad loo danaynayay waxa kasoo qayb  galay oo goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ah Garabka isbedel doonka UCID  oo uu weheliyo  Guddoomiyaha ay u magcaabeen dhowaan  sida ku  meel gaadhka ah Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), halka garabka kalena ay ka soo xaadireen dhegaysiga dacwada illaa shan xubnood oo kale, laakiin waxa aan madasha kasoo xaadirin oo ka  maqnaa Guddoomiyaha garabka kale ee  Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Maxkamadda ayaa  warbixino ka dhegaysatay dooda qareenada labada garab kala difaacaya. Iyadoo  mid waliba maxkamadda u soo qadimay dooda sharci ee garabka uu  qareenka u yahay ku doodayo.
Qareen Maxamed Jaamac Cabdi oo u doodayay garabka isbedel doonka Xisbiga UCID, ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe uu muddo toban sanadood ah hoggaaminayay Xisbiga,  isla markaana fursad loo siiyay inuu laba jeer isu sharaxo jagada madaxweynaha loona doortay Guddoomiyenimada UCID, balse uu ka dhammaaday wakhtigii bishii July ee la soo dhaafay.
Qareenku waxa uu ku dooday in markii Guddida fulintu ay daristay sharciga Xisbiga ay magacaabeen guddo ku meel gaadh ah oo soo qaban qaabiya shirweynihii sadexaad ee Xisbiga UCID,  isla markaana Hoggaankani (waa garabka Waqaf) ee  uu ku yimi sifo sharciga Xisbiga waafaqsan.
Laakiin  Qareenka u doodaya  Garabka Eng. Faysal Cali Waraabe, Qareen  Barkhad Jaamac Aar, ayaa sheegay In gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe lagu doortay shirweyne,  isla markaana lagu bedeli karo oo qudha,  iyadoo shirweyne la qabto, waxaanu daadifeeyay sharcinimada hoggaanka ku meel gaadhka ah ee garabka Aadan Waqaf.
Dooda iyo is difaaca labada garab ee ku muransan Xisbiga UCID ayaa maxkamada ka socotay muddo laba saacadood ka badan waxaana gabogabadii fadhigaasi uu Guddoomiyaha maxkamada sare Dr. Yuusuf Ismaaiil Cali uu sheegay in halkaasi ay ku dhammaatay dhegaysiga dacwada labada dhinac, waxaanu xusay in Maxkamaddu ay xukun ka soo saari doonto kiiskan marka ay naaqishto doodada labada dhinac. Laakiin gudoomiyihu ma sheegin mudada go’aankeeda ay ku dhawaaqay maxkamaddu.
Dhinaca kale kiisan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Maxkamaddaha iyo Hay’addaha garsoorka   Somaliland hor yimaada marka laga reebo inta la xusuusan yahay tan iyo intii ay Somaliland ka hirgaleen nidaamka ururada siyaasada iyo axsaabta muran Ururkii SAHAN ee uu hogaaminayay Dr. Gaboose oo sidan oo kale laba garab u qaybsamay ka wax yar doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee 2002  ay isla galeen hay’addaha sharciga iyo garsoorka, kaas oo xiligaa loo xukumay garabkii  Dr. Gaboose ka hor intii aanu SAHAN ku hadhin doorashooyinkii tartanka Ururada ee golayaasha deegaanka Dec, 2002.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *