Garoowe(ANN) Maamulka Goboleedka lala xidhiidhiyo Budhacad-badeeda  ee Puntland oo xaruntiisu tahay Garoowe  ayaa xukuno kala duwan ku riday  saraakiil maamulka Somaliland ah oo dhawaan ay ka afduubeen duleedka Degmada Taleex kadib markii malayshiyo Puntland ahi weerartay wefdi Somaliland ah oo halkaa marayay xiligaa.
Maxkamadda darajada koowaad ee Magaallada Garoowe ee maamul  goboleedka lala xidhiidhiyo  Budhcad-badeeda  ee Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan oo  xadhig ah ku riday sadex masuul oo ka tirsanaa maamulka gobolka Sool. Kadib markii lagu eedeeyay inay kusoo xad gudbeen waxay ugu yeedheen dhul aanay lahayn.
Maxkamadda  ayaa sheegtay inay xukun dhan toban sanadood oo xadhig ku riday sadexdan masuul oo kala ahaa Xeer Ilaaliyihii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali Shire, Guddoomiyihii Maxkamada Degmada LaascaanoodSalaad Ismaaciil Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamada gobolka Sool oo lagu naanayso  Fayfle. Waxay maxkamadda mamaamul goboleedka lala xidhiidhiyo Budhcad-badeeda  ay dib jeelka ugu celisay oo aanay xukumin Guddoomiyihii waxbarashada gobolka Sool Maxamed Cali Cartan.
Maxkamada Garoowe waxa kale oo ay xukun shan sanadood oo xadhig ah ku riday afar askari oo masuuliyiintan ilaalo u ahaa. Waxa kale oo ay sheegtay in dawlada Majeerteeniya ay la wareegtay laba baabuur oo ay lahaayeen Garsoorka gobolka Sool.
Madaxweyne Ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo ka hadlay xukunkan ayaa sheegay inuu yahay mid cadaalad ah waxaanu masuuliyiintan ku tilmaamay kuwo khaa’inul wadaniyiin ah oo dhul Puntland ah uga adeegayay wax uu ku tilmaamay cadowga dalkiisa. Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaan weli jawaab ah ka bixin xukunka muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee maamulka Garoowe ku rideen xukunka. Kadib markii dhowaan laga afduubay duleedka Degmada Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool, iyagoo qayb ka ahaa wefdi uu hogaaminayay Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan xildhibaanda Somliland ee laga soo doorto gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii falkaa afduubka ahi dhacay jeedisay hanjabaado ka dhan ah maamulka Garoowe, iyadoo ay wasiirka Warfaafinta  Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade  iyo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland labaduba weedho hanjabaad ah u jeediyeen maamulka Garoowe, taas oo la xidhiidhay falkaa ay ku kaceen ee afduubka ahaa

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *