Hargeysa(ANN)Madaxweyne  Siilaanyo oo la filayay Inuu todobaadkan magcaabo jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee uu baneeyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo xilkaa iska casilay 18 August 2011, ayaa dib u dhigay  inuu magcaabo masuulkii buuxin lahaa

 

jagadaa. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo sheegaya inuu dib u dhigay Madaxweyne Siilaanyo buuxinta  xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Somaliland.
Laakiin sida ay shebekada wararka ee Araweelonews  u tibaaxeen warar ku dhow dhow qasriga madaxtooyada Madaxweyne Siilaanyo  oo maalmihii u danbeeyay, tan iyo markii uu kasoo laabtay 18 August 2011 safarkiisii uu dalalka  China  iyo Ethiopia, kusoo maray waxa mashquuliyay. sida ay xoggahaa iyo tibaaxahaasi sheegeen kooxo ku loolamaya xilka jagada Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo  ka qoob qaadi waayay qasriga Madaxtooyada.
Sida ay sheegayaan tibaaxahaasi Xubnaha loolanka ugu jira buuxinta jagadaa ayaa qaarkood waqtigan xilal ka hayaan xukuumadda , iyadoo ay jiraan xubno kale oo iyagu debeda ka jooga oo iyana si weyn saamayn ugu leh inay xayndaabka xukuumadda  soo galaan, waxaana ka mid ah xubnaha  tibaaxahaasi ishaareen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Dr. Cabdi Aw Daahir, Maxamed  Muuse Abees oo ka mid ah la taliyayaasha Madaxweynaha, isla markaana ka mid ahaa golihii wakiilada ee hore. Iyadoo ay  jiraan xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo xildhibaano si weyn ugu ololaynaya in xilkaa loo dhiibo Dr. Cabdi Aw Daahir.
Hase yeeshee  waxa jira xubno iyaguna  dhinaca qasriga Madaxtooyada aad looga dareemay hadalhayntooda,kuwaas oo kala  ah. Nin ka tirsanaa Ururkii Qaran  oo  lagu naanayso Axmed Soodaani  oo isagu degan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Laakiin waxa jira ishaarooyin iyo tibaaxo sheegaya in   Xuseen Saalax Muuse oo ah siyaasi ka mid ahaan jiray dawladii Soamlia  ee xiligii C/qaasim Salaad ee Carta , balse dhowaan yimi Somaliland loo magcaabyo xil  oo uu ka mid noqonayo xubnaha xukuumadda Siilaanyo , isla markaana xogaha qaar ayaa tibaaxaya in Xuseen Saalax  oo ay macruufad  weyn isu leeyihiin Madaxweyne Siilaanyo uu ku yimi Somaliland xiligan fariin dhinaca Madaxweyne Siilaanyo uga tagtay, sidaa awgeed  Madaxweyne Siilaanyo qorshaynayo inuu Ninkaa u magcaabo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, iyadoo Wasiirka Xanaanada Xoolahana loo magcaabyo Xuseen Saalax oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee golaha wasiirada.   
Waxaana  tibaaxaha iyo xogaha qaar sheegayaan in liiska cusub ee xubnaha golaha wasiirada ay suurta gal tahay inuu soo galo  nin kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo lagu magcaabo Ina Shariif Dhegcad, kaas oo ka tirsanaa koxdii NSS-ta ee dawladii Somalia, isla markaana xiligii Marxuum Cigaal koox  ay isku Nss-ta ahaayeen  oo ka mid ahaa xukuumaddiisu usoo bandhigeen inuu ku bedelo Gudoomiyihii xilgaa ee golaha wakiilada Axmed  Maxamed Aadan Qaybe oo ay is khilaafeen Marxuum Cigaal, balse uu ku gacansaydhay markii uu ogaaday inuu ka mid ahaa haya’ddii NSS-ta. Ina Shariif Dhegcad ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka, iyadoo uu la rafiiq ahaa xubno ku dhaw dhaw qasriga Madaxtooyada iyo meelaha  uu talooyinka ka dhegeysto.
Tibaaxaha  shebekada Araweelonews ka heshay qasriga Madaxtooayada iyo xubno ku dhaw dhaw siyaasada Madaxweyene  Siilaanyo ayaa ishaaraya in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo waqtigan qorshaynayo ay tahay mid uu garwaaqsaday habacsanaan ka muuqata xukuumaddiisa oo lagu tilmaamo mid aan isla jaanqaadin mudadii ay jirtay ee sannadka ahayd. Sidaa awgeed  qorshihiisa    miiska saaran aanu  ka danabynnayn saacadaha iyo maalmaha fooda inagu soo haya, isla markaana wasaaraddaha  Gaashaandhiga , kaluumaysiga, Xanaanada  Xoolaha, Arrimaha Debeda, Boosaha , Maallyadda, Qorshaynta  Qaranka, Ganacsiga , Waxbarashada , Duulista iyo Gaadiidka Hawada, warfaafinta,   Qoyska,  Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato isku shaandhaynta cusub ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo masuuliyiinta  qaarkood waayi karaan xilalkooda, isla markaana waxa  suurta gal ah in xubno cusub kusoo biiraan liiska golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale waxa la filayaa in Haya’ddaha kale ee dawladda qaarkood iyo saraakiisha Agaasimayaasha  guud ee wasaaraddaha qaarkood la raaciyo isku shaandhayntaa oo noqonay sida ay sheegayaan tibaaxahaasi tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo  Madaxweyne Siilaanyo mudadii sanadka ahayd ee xukuumaddiisa.  Laakiin waxa xaqiiqda la ogaan doona saacadah iyo maalmaha soo socda iyo halka uu sal dhigo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *