Hargeysa(ANN) Maxkamada Sare Somaliland ayaa maanta bilawday dhegaysiga dacwad ku saabsan labada garab ee Xisbiga mucaaridka UCID oo ku kala qaybsan cida leh awooda hogaaminta ee xisbigaa oo khilaaf weyni ka taagnaa mudooyinkan, isla markaana dhinac waliba dhinaca ku tilmaamay
in aanu sharci ahayn. Labada garab ee ay kala hogaaminayaan Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Mire Waqaf.
Amaanka Maxkamadda sare ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidanka booliska la dhigay hareeraha maxkamadda iyo jiadadka soo gala. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhegeystay dhinacyada ku muransan xisbigaa, iyadoo dhinac walba looyarada Qareenada u ahi horyimaadeen Maxkamadda si ay dacwoodada iyo waxyaabaha ay ku doodayaan uga cadeeyaan maxkamadda horteeda.
Dhegeysiga dacwadaa oo aad loo danaynayay waxa kasoo qayb galay oo goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ah Garabka isbedel doonka UCID oo uu weheliyo Guddoomiyaha ay u magcaabeen dhowaan sida ku meel gaadhka ah Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), halka garabka kalena ay ka soo xaadireen dhegaysiga dacwada illaa shan xubnood oo kale, laakiin waxa aan madasha kasoo xaadirin oo ka maqnaa Guddoomiyaha garabka kale ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Maxkamadda ayaa warbixino ka dhegaysatay dooda qareenada labada garab kala difaacaya. Iyadoo mid waliba maxkamadda u soo qadimay dooda sharci ee garabka uu qareenka u yahay ku doodayo.
Qareen Maxamed Jaamac Cabdi oo u doodayay garabka isbedel doonka Xisbiga UCID, ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe uu muddo toban sanadood ah hoggaaminayay Xisbiga, isla markaana fursad loo siiyay inuu laba jeer isu sharaxo jagada madaxweynaha loona doortay Guddoomiyenimada UCID, balse uu ka dhammaaday wakhtigii bishii July ee la soo dhaafay.
Qareenku waxa uu ku dooday in markii Guddida fulintu ay daristay sharciga Xisbiga ay magacaabeen guddo ku meel gaadh ah oo soo qaban qaabiya shirweynihii sadexaad ee Xisbiga UCID, isla markaana Hoggaankani (waa garabka Waqaf) ee uu ku yimi sifo sharciga Xisbiga waafaqsan.
Laakiin Qareenka u doodaya Garabka Eng. Faysal Cali Waraabe, Qareen Barkhad Jaamac Aar, ayaa sheegay In gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe lagu doortay shirweyne, isla markaana lagu bedeli karo oo qudha, iyadoo shirweyne la qabto, waxaanu daadifeeyay sharcinimada hoggaanka ku meel gaadhka ah ee garabka Aadan Waqaf.
Dooda iyo is difaaca labada garab ee ku muransan Xisbiga UCID ayaa maxkamada ka socotay muddo laba saacadood ka badan waxaana gabogabadii fadhigaasi uu Guddoomiyaha maxkamada sare Dr. Yuusuf Ismaaiil Cali uu sheegay in halkaasi ay ku dhammaatay dhegaysiga dacwada labada dhinac, waxaanu xusay in Maxkamaddu ay xukun ka soo saari doonto kiiskan marka ay naaqishto doodada labada dhinac. Laakiin gudoomiyihu ma sheegin mudada go’aankeeda ay ku dhawaaqay maxkamaddu.
Dhinaca kale kiisan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Maxkamaddaha iyo Hay’addaha garsoorka Somaliland hor yimaada marka laga reebo inta la xusuusan yahay tan iyo intii ay Somaliland ka hirgaleen nidaamka ururada siyaasada iyo axsaabta muran Ururkii SAHAN ee uu hogaaminayay Dr. Gaboose oo sidan oo kale laba garab u qaybsamay ka wax yar doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee 2002 ay isla galeen hay’addaha sharciga iyo garsoorka, kaas oo xiligaa loo xukumay garabkii Dr. Gaboose ka hor intii aanu SAHAN ku hadhin doorashooyinkii tartanka Ururada ee golayaasha deegaanka Dec, 2002.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com