Hargeysa(ANN)Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee Somaliland,  ayaa maanta gudo gashay dacwad xaasaasi ah oo u dhaxaysa Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo ku mursansan sharciyada hogaaminta xisbigoodii UDUB oo

 

mudooyinkii u danbeeyay soo noq-noqonayay, isla markaana sababay inay  laba garab oo ay labadoodu kala hogaaminayaan u kala jabaan UDUB.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Distooriga ah Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa u gar qaadaya labada dhinac, isla markaana ka garsooraya kiiskaa oo si weyn indhaha loogu hayo, maadaama muranka labada dhinac soo jiitamayay dhawrkii bilood ee u danbeeyay, isla markaana ay ka fursan weyday inay ku kala baxaan sharciga.
Dhagaysiga dacwaddan oo socday mudo ka badan Shan saacadood oo xidhiidh ah,  ayaa ku bilaabantay jewi degan,  isla markaana ku soo gebo gabowday deganaansho, iyadoo dhagaysiga dacwadan ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socday labada dhinac ee khilaafka sharci u dhexeeyo, kuwaas  oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga UDUB  Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu maxkamadda u gudbiyay dacwadaa.
Fadhiga oo ahaa mid furan, loona oggolaa inay saxaafaddu  goob-joog ka noqoto, ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, halkaas ka akhriyey ujeeddada dacwadu ku saabsan yahay oo uu xusay inay tahay ka rafcaa qaadasho go’aan Guddida Diiwaangelinta Ururrada-siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka ka soo baxay, isagoo ka codsaday in qareennadu sharciyaday ku doodayaan, caddaymahooda iyo dood afeedkooda maxkamadda soo hordhigaan.
Qeen Barkhad Jaamac Aar oo ah garyaqaanka u doodayarafcaanle Axmed Yuusuf Yaasin iyo garabkiisa, ayaa doodda afeeftiisa bilaabay, isla markaana bedka soo dhigay daliilada sharci ee ay haystaan, waxaannu maxkamadda soo hordhigay qoraallo muujinaya waxqabadkii Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin intii uu ahaa ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga, isagoo sheegay in go’aanka Guddida Diiwaangelintu aannu waafaqsanayn xeerka xisbiga UDUB.
Qareen Barkhad Jaamac waxa uu ugu dambayn maxkamadda ka codsaday inay go’aamiso in aan guddoomiyenimada Daahir Rayaale Kaahin ee xisbiga UDUB sharci ahayn wixii ka dambeeyey doorashadii 2010-kii, inay aqoonsato, ansixisana waxqabadka guddoomiye-ku-xigeenka oo ahaa waqtigaas ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin waxqabadkii xisbiga ee uu sameeyey mudadaa intii u dhexaysay August 2010 ilaa February 2012-kii, inay baabi’iso go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada-siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta ee aan ka jawaabay cabashooyinkay u gudbiyeen iyo inay diido Jawaab celinta rafcaansaha.
Xusunta muranka Dacwadaa sababay ayaa  ahayd in Guddoomiye-ku-xigeenku awood u leeyahay gudbinta liiska Guddiyada fulinta iyo dhexe iyo in Daahir Rayaale Kaahin yahay guddoomiyaha sharciga ah ee UDUB, ayaa labada dhinacba adeegsanaayeen xeerka xisbiga UDUB.
Qareen Maxamed Saalax oo u difaacaayey Rafcaansane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isagu doodiisa difaaceed ku sheegay in aanay waxba ka jirin waxyaabahay ka rafcaan qaateen dhinacyada ka soo horjeeda ee uu madaxda u yahay Axmed Yuusuf Yaasiin, isaga oo gudbiyey waraaqo tilmaamaayey in Md. Daahir Rayaale Kaahin yahay guddoomiyaha sharciga ah ee xisbiga UDUB, waxaannu maxkamadda usoo jeediyey inay laasho dacwadda rafcaanla yaasha.
Dhagaysiga dacwadu markii uu soo xidhmay ayaa labada dhinac ee Khilaafkani soo kala dhex galay waxay warbaahinta uga warameen dareenkooda ku aadan dacwadan uga bilaabantay maxkamadda sare, Abiib Xasan Filfil oo ahaa wasiirkii ganacsiga ee xukuumaddii UDUB, isla markaana  taageersan garabka Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,   ayaa sheegay in Qadiyada muranka keentay ay hortaalo maxkamadda,  isla markaana ay sugayaan go’aanka ay ka soo saarto oo aanay ka hor dhacayn natiijadiisa.
Sidoo kale Cali Maxamed Warancade oo ka socday garabka uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Daahir Rayaale, ayaa dhiniciisa sheegay inay soo dhawaynayaan Go’aan kasta oo xaq ah oo ka soo baxa Maxkamadda Sare.
Maxkamadda sare, ayaa  hore uga garnaqday muran sharci xisbi oo sidan oo kale tan iyo intii ay xukuumadda cusub ee Somaliland talada haysay, kaas oo ahaa markii uu xisbiga UCID sidan oo kale laba garab u kala jabay, isla markaana lagu murmay sharciyada hogaaminta, balse ay ugu danbayntii Maxkamadda sare qaraar kasoo saartay markii ay dhegaysatay labada dhinac, waxaana la filayaa inay Maxkamaddu go’aan kasoo saarto dacwadaa maalmaha fooda inagu soo haya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *