Muqdsiho (ANN)Askari ka tirsanaa Ciidamadda Ethiopian-ka  ah ee ku sugan Gobolka Bay, ayaa isu dhiibay  Xarakada Al-shabaab ee Koonfurta Somalia. kadibna ku dhawaaqay inuu  qaatay Diinta Islaamka oo uu Muslimay. Askarigaa oo ka hor
intii aanu Muslimin ahaa Kirishtaan, shalay Islaamnimadiisa kaga dhawaaqay gudaha deegaanka Lafoole ee Sh/Hoose oo ka mid ah meelaha xarakada Al-shabaab gacanta ku hayso ee ay maamusho.
Waxaana loo qabtay Munaasibad  weyn oo loogu  laqimay ashahaada, iyadoo loo bixiyay Cabdala . kadibna waxa loo dhiibay Kitaabka Quraanka Kariimka ah, isagoo weli xidhan Tuutihii uu sitay iyo qorigiisa, iyadoo ay goobta uu kaga dhawaaqay islaamnimada ay isugu soo baxeen dadweyne u muujiyay dareen soo dhowayn ah.
Cabdalla oo ka tirsnaa ciidnaka Ethiopia ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab gudaha Somalia, ayaa ka mid ahaa guutada lagu magcaabo Yurkud, kuwaas oo ku sugan deegaanka  Bay, wuxuuna  dadweynaha kala hadlay Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab, isagoo ka sheekeeyay sababaha ku kalifay inoo kasoo goosto ciidankii uu ka tirsnaa, isla markaana u qaato diinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay  sida ay ugu suurta gashay inuu isu soo dhiibo deegaanka ay ka taliyaan kuwii ay cadawga isu ahaayeen,  isagoo uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay dadka Muslimiinta ahi u qaabileen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *