Muqdisho(ANN)Shirka Odayaasha dhaqanka  dhowaan uga furmay  xarunta Somalia ee Muqdisho oo bilawgiisa ay soo waajaheen duruufo siyaasadeed iyo cago jiid. Kadib markii ay qaar ka mid ah Odayaasha la doonayay inay ka qaybgalaan si ay u meel mariyaan dastuurka Somalia ay ka biyo diideen, ayaa

hada u muuqada mid natiijo la’aan ku dhamaanaya.

Shirkaa oo ergooyinka  qaarkood hore uga baxeen ayay hada xukuumadda taagta daran ee  Soomaaliya markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in caqabad dhanka dhaqaaallaha ahi  ay  soo waajdahay shirkaa ,  isla makaana uu qarka u saaran yahay inuu shirkaasi bur-bur oo  fashil ku dhamaado haddii aan loo helin dhaqaalle.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dawladda taagata daran ee  Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka shirka ka qeybgalaya ayaa dib u dhaca  ku yimi shirkaa ku tilmaamay mid duruufo soo waajaheen, isla markaana  xilligii  loogu talogalay  inay soo xulaan  ergada uu dib u dhac weyni ku yimi. Kadib markii sidii la filayay uu noqonwaayay shirku ee ay ka caga jiiday beesha Caalamka oo la filay inay taageero dhaqaalle siiso. Sidaa awgeed ay ka cabsiqabaan inuu shirkaasi ku dhamaado bur-bur iyo guuldaro.
Dhinaca Ergooyinka Maamulka Puntalnd oo hore  loola xidhiidhinayay inay hormood u yihiin meel marinta Dastoorkaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka baxay shirkaa iyo maamulka Puntland si cad u sheegay in aanu Dastuurkaasi ahayn mid anfacaya oo sidii ay moodayeen noqon waayay.
Sidoo kale qaybo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee deegaanada qaarkood oo shirkaa ka qaybgalay ayaa dib uga gurtay, iyadoo ay dalada culimada Soomaaliyeed ku tilmaameen dastuurkaa mid aan anfacayn dhaqanka iyo caqiidada bulshada Soomaalida ee Islaamka ah.
Dhawaaqyada sida weyn looga dayrinayo rajada shirkaa, ayaa kusoo beegmay iyadoo  magaaladda Addis Ababa  ee xarunta dalka Ethiopia ay  maanta ku kulmayaan  Kooxaha Somaliya, kuwaas oo ujeedada kulankoodu la xidhiidho  sidii xal loogu heli lahaa  khilaafka  soo waajahay qorshaha la doonayo inay  Beesha Caalamku Somalia u samayso dawlad bedesha dawladda taagta daran ee oo xiligeedu dhamaanayo August 2012, balse ay beesha caalamku ku kala qaybsantahay qorshaha iyo sida laga yeelayo mustaqbalka Somalia.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *