Hargeysa (ANN)Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa, ayaa shalay go’aan ka soo saartay xukun ay hore Maxkamadda gobolka Hargeysa uga soo saartay dacwad u dhaxaysay tifaftiraha wargeyska Saxafi iyo Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi taas oo ku saabsanayd

heshiis uu wasiirka Duulistu la soo saxeexday dawladda Kuwait, oo dib loogu hagaajinayay madaaradda Hargeysa iyo Berbera oo wargeysku daabacay.

Maxkammadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa, ayaa sheegtay in markii ay eegtay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Hargeysa hore ugu  ridday Tifaftiraha Saxafi, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo asbaabihii rafcaanka ee uu Qareenka tifaftiraha Saxafi qoraalka ugu soo gudbiyay Maxkamadda Rafcaanka iyo doodiisii ay Maxkamaddu gebi ahaanba diiday asbaabaha rafcaanlaha, isla markaana ayiday jawaab-celintii ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa, Aadan Salaad Seed oo isagu u dacwiyayey wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.
Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku waxa kale oo uu go’aankiisa ku sheegay in markii uu gal-dacwadeedka dib u eegay ay u caddaatay inuu Rafcaansanaha oo ah Tifaftiraha Saxafi uu dambi uu ka galay wasiirka duulista.

Maxkamadda Rafcaanku waxay ku xukuntay Tifaftiraha Saxafi ganaax lacageed oo dhan $700, iyadoo ganaaxii xukunkii hore ee Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhammaa $1000 ay Maxkamadda Rafcaanku ka dhintay $300.
Sidoo kale, Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku xukunkiisa ku sheegay inay tirtirtay qodob ku jiray xukunkii Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhigayey in haddii Tifaftiraha Saxafi muddo laba sannadood ah uu galo dambi la mid ah ka lagu xukumay, ruqsadda lagala noqon doono Wargeyska Saxafi.
Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku waxa uu xukunkiisa ku soo geba-gabeeyay in lacagtaas ganaaxa ah ee toddobada boqol ee dollar ah uu Rafcaansanuhu ku bixiyo muddo toban cisho gudahood ah oo ka bilaabantay maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 13/September/2011, haddii uu ku bixin waayana Maxkamaddu xaraashi doonto Hantida Wargeyska Saxafi iyo hantida gaarka ah ee Rafcaansanle Cabdifataaax Maxamuud Caydiid.

Qareenka rafcaansanha ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in xukunkaas ay rafcaan uga qaadanayaan Maxkamadda Sare, hase yeeshee garsooraha Maxkamadda Rafcaanka ayaa si cadho ku jirto ugu jawaabay inaan xukunkiisa wax rafcaan ah laga qaadan karin, waxaanu Qareenku mar kale ugu jawaab-celiyay garsooraha in sharcigu siinayo inay rafcaan ka qaadan karaan, kadibna Garsooruhu wuxuu haddana si cadho leh ugaga Jawaabay “Adiga (Qareenka) laftaada ayaan ku ganaaxi doonaa.”

Rafcaanle, Cabdifataax Maxamuud Caydiid, ayaa isagu sheegay inaan xukunka ganaax eek u dhacay ahayn mid cadaalad ku dhisan, “Xukunkani wuxuu ka mid yahay uun cabudhinta iyo Xadgudubyada lagu hayo Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland ee looga dan leeyahay in lagu cabsi geliyo. Mana ahayn xukun si cadaalad ah u dhacay, waayo, haddii cadaalad la doonayo waxaa la raaci lahaa xeerka dhaqanka galka ah ee Saxaafadda Somaliland leedahay, oo ay Maxkamaduhu horeba u diideen, xukuumadda Axmed Siillaanyo ee la filayay inay wax ka bedeshaana markii ay kursiga fuushay ayey indhaha ka qarsatay , maadaama ay masuuliyiinta xukuumadda danahooga gaarka ah ugu adeegsanayaan Maxkamadaha, dabbarna uga dhigaan Saxaafadda tooshka ku ifisha dhaliilahooda,” ayuu yidhi Cabdifataax Maxamuud Caydiid.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *