Hargeysa(ANN)Natiijada ah ee imtixaannaadka shaadiga sannad-dugsiyeedka 2010/2011 ee fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada dhexe ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi  ah  loogu dhawaaqay shalay. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam

Cabdi Aadan, ayaa
ku dhawaaqday in 7,711 arday (toddoba kun, toddoba boqol iyo kaw iyo toban arday) oo dugsiyada dhexe ah iyo 5,000 arday (shan kun oo arday) oo dugsiyada sare ah ay u fadhiisteen imtixaannaadkii shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2010/2011.
Wasiir Samsam oo ka qaybgashay xaflad ballaadhan oo ku dhawaaqista natiijada imtixaanka loogu sameeyey shalay xarunta Imtaxaanaadka Qaranka ee Hargeysa, ayaa sheegay inay sannadkan imtixaanada shahaadiga fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe ee dalka u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay toddoba boqol iyo kow iyo toban arday, kuwaasoo ay xustay in 9571 oo u dhiganta 98% guulaysteen, halka 892 oo u dhiganta 8.7% ay dhaceen. Sidoo kalena 248 (2.3%) arday siyaabo kala duwan uga habsaameen imtixaankaas oo aanay gelin.
Sidoo kale, wasiirku waxay sheegtay in imtixaanaadka shahaadiga fasallada 4aad ee dugsiyada sarena ay u fadhiisteen shan kun, kuwaasoo dhammaantood guulaystay, waana markii ugu horreysay ee aan hal arday ka dhicin dugsiyada sare ee Somaliland.
Waxa kale oo halkaas lagu soo bandhigay shax muujinaysa tobanka arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaannaadka shahaadiga dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland, waxana sannadkii afraad oo xidhiidh ah kaalinta koowaad ee dugsiyada sare ku guulaystay arday ka tirsan dugsiga gaarka loo leeyahay ee Ilays oo ka mid ah iskuullada lagu majeerto dhinaca tacliinta ee ka jira caasimadda Hargeysa.
Haddaba, waxa aannu halkan akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa shaxda lagu soo bandhigay magacyada ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaannadaas iyo dugsiyada ay ka kala tirsan yihiin.
Dugsiyada sare ee dalka, dhibcaha iyo dugsiga:
1. Nasra Jaamac Cabdillaahi Bulxan – derejada guud 735 (Dugsiga ILAYS)
2. Mustafe Maxamed Aw Cali Cismaan -derejada guud 718 (Dugisga Noradin)
3. Muniira Maxamed Axmed C/laahi -derejada guud 717 (Dugsiga ILAYS)
4. Xamse Carab Cali Xasan -derejada guud 691 (Dugsiga 26ka June)
5. C/naasir C/ramaan Xaashi -derejada guud Caalin 689 (Dugsiga 26ka June)
6. Muna C/laahi Maxamed Axmed-derejada guud 689 (Dugsiga ILAYS)
7. Xasan Muuse Cismaan Jaani-derejada guud 686 (Dugsiga Balligubadle, degmada Balligubadle)
8. Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi-derejada guud 685 (Dugsiga ILAYS)
9. Maxamed Xuseen Maxamed Faarax-derejada guud 679 (Dugsiga Maxamuud Axmed Cali, Hargeysa)
10. Nimco Saleebaan Cali Kooshin -derejada guud 670(Dugsiga ILAYS)
Tobanka arday ee ugu sarreeya imtixaanka dugsiyada sare ee dal, ayaa shan ka mid ah gabdho yihiin, arrintaas oo muujinaya sida hablaha Somaliland ugu soo jeedaan waxbarashada, uguna heellan yihiin inay wiilasha kula tartamaan kaalmaha sare ee imtixaannada, sawirkaas oo aad uga duwan kii laga dheehan jiray natiijooyinka imtixaanadka dhawr sanno ka hor.
Dugsiyada dhexe ee dalka:
1. Sahra Aw Ciise Jaamac Qaalib (Dugsiga Sh. Maxamed Warsame)
2. C/raxmaan Axmed Yuusuf Aadan (Dugsiga Geeska Afrika)
3. Hodon Maxamed C/laahi Ciise (Dugsida Odey- deg Sheekh)
4. Barkhad Mustafe Siciid Xirsi (Dugsiga Sheekh Cali Cisman)
5. Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan (Dugsiga Sh. Maxamed Warsame)
6. Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed (Dugsiga SURAD -Ceerigabo)
7. C/naasir C/laahi Faarax Ibraahim
8. Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal (Dugsiga Nuradin)
9. Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi (Dugsiga Al-khayr)
10. Khaalid Xirsi Maxamed Caddare (Dugsiga H.A.A).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *