Breaking News

Hargeysa(ANN)Maxkamadda rafcaanka gobolada Hargeysa ayaa m aanta xoriyadoodii us oo celisay Badhasaabkii gobolka Hargeysa Ahmed Cumar C /llaahi Xamarji iyo Agaasimihii wasaaradda dib u dejinta Somaliland Axmed Cilmi Bare (Ina Cilmi yare). Kadib markii xukun

dhawr sanadood ah oo ay hore Maxkamadda gobolka Hargeysa ugu xukuntay. Balse garsooraha Maxkamadda rafcaanka C/raxmaan jaamac  Hayaan ayaa maanta ku dhawaaqay go,aan xoriyadoodii loogu celiyo labadaa masuul oo lagu wayay xukun kii hore loogu riday.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanku waxa uu sheegay markii uu dhagaystay,  isla markaana ka baaraan-degey Dacwadda musuq- maasuq ee hore  loogu xukumay masuuliyiintan aanay jirin Cadaymo lagu qanci karo oo muujinaya inay danbigaaa galeen labadaa masuul.

Sidoo kale waxa uu sheegay  garsooraha Maxkamadda Rafcaanku inaan la horkeenin maxkamadda Raashinkii lagu eedaynayay ee lagu soo qabtay iyaga oo Lunsanaya, sidaa daraadeed waxa uu go’aamiyay in Xorriyadooda loo celiyo.

go’aanka Maxkamadda Rafcaanka ayaa ka cadhaysiiyay  Xeer ilaalinta oo hore uga caga-jiidaysay Rafcaanka ay xukunkaa hore ka qaateen labadaa masuul, iyadoo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo wejigabax kala kulmay xukunka maxkamadda rafcaanku xoriyadoodii ugu soo celisay. iyadoo wararka qaar sheegayaan in xeer ilaalintu ka qaadatay rafcaan go’aanka maxkamadda.
.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *