Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay qoraal nuxurkiisa lagu soo ururiyay natiijada kulan sadex maalmood uga socday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo golihiisa wasiiradda qasriga Madaxtooyada, kaas oo sida hore loo shaaciyay

 

ujeedadiisu ahayd inay xukuumaddu dib u naaqishto barnaamijkii xiliggii doorashada ee xisbiga Kulmiye ku guulaystay talada dalka 26 Jun  2010 u balan qaaday bulshada waxa ka qabsoomay iyo waxyaabaha aan suurta gelin.
Nuxurka qoraalka kasoo baxay natiijadii kulankaa oo caawa lasoo gebe-gebeeyay, ayaa lagu sheegay in kulankaa laysla qaatay in wax laga qabto 130 qodob oo la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah, siyaasadad arrimaha debeda, arrimaha gudaha, cadaaladda, waxbarashada dhinaca horumarka  dhaqaalaha iyo sidii looga misho dhalin lahaa qadiyada aqoonsiga Somaliland.
Qoraal uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu shaaciyay 12 qodob oo lagu soo koobay natiijada kulankaa, ayaa loo qaybiyay saxaafada, kaas oo u qornaa sidan:-

“Sida aad la socotaan waxaa caawa kusoo gebageboobay qasriga Madaxtooyada shirkii qiimaynta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka, shirkaas oo socday mudo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan:

1.      Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.
Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.

3.      Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.

4.      Shirku wuxuu isla qaatay  adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda  iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha  amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.

5.      Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari  iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.

6.      Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta  iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo  madax bannaanida garsoorka.

7.      Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.

8.      Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.

9.      Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka. 

10. Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.

11. Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle),  kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.        

12. Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *