Hargeysa(ANN)Barnaamij Qiimayn ballaadhan oo ku saabsan ka ganacsiga magaalada Hargeysa iyo duruufaha ku xeeran ee shuruucda, hirgelinta ganacsiga iyo heerarka ay taagan yihiin marka loo eego meelo ka mid ah adduunka, ayaa Baanka Adduunku kaga dhawaaqay

shalay caasimadda Somaliland.

Barmaamijkan oo qayb ka ah toddoba mashruuc oo Baanka Adduunku ka wado Somaliland oo ay ku baxayaan lacago malaayiin doollar ah, loona bixiyey ‘Ka ganacsiga Hargeysa’ (Doing Business in Hargeysa 2012) ayaa qiimayn ku sameeyey ganacsiyada hoose iyo kuwa heerka dhexe ee magaalada Hargeysa oo laga eegay shuruucda u taal iyo fulintooda oo ka kooban 11 dhinac oo kala ah; bilowga ganacsiga, ogolaanshaha dhismaha, helidda korantada, diiwaangelinta hantida, helidda dayn, ilaalinta maal-gashadayaasha, bixinta cashuurta, la ganacsiga wadamadda xuduud-wadaagta, fulinta heshiisyada iyo xal-u-helidda musalafka.

Qorshaha Qiimaynta ah  oo ujeeddada laga leeyahay tahay inay ka faa’iidaystaan siyaasad sameeyayaasha ganacsiga ee dhinacyada abuurista sal ganacsi, tilmaamida caqabadaha iyo samaynta tallaabooyinka wanaagsan ee ganacsiga, dhiirigelinta wax-ka-beddelka nidaamka ganacsi iyo isbarbardhigga ganacsiga gudaha iyo ka caalamka, taas oo Baanka Adduunku hore uga sameeyey magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Kulan lagu shaaciyey qiimaynta ganacsiga Hargeysa oo lagu qabtay shalay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay  masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirrada Qorshaynta iyo Ganacsiga iyo Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Maayarka Hargeysa, agaasimayaal iyo saraakiil badan oo ka tirsan Baanka Adduunka oo ay hoggaaminaysay agaasimaha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mrs. Belle Bird, marti-sharaf isugu jiray ganacsato iyo wakiillo ka socday hay’addo kala duwan iyo daneeyayaal maalgashi oo kale.

waxaana kulankaa lagu soo bandhigay warbixin laga sameeyey qiimayntaas oo si ballaadhan u faahfaahisay heerka ganacsiga Hargeysa marka la barbardhigo qiyaasta  lagu saleeyey 11-ka qodob ee kor ku qoran oo ah 183, oo lagu cabiro dhaqaalaha dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, dalalka xaaladooda ammaan aanay adkayn iyo kuwa colaaduhu saameeyeen, waxaanay qiyaastaani ka gashay Hargeysa kaalinta 174 , taas oo muujinaysa inay meel hoose kaga jirto abuuritaanka ganacsiga oo ay ku sababaysay nidaamka ruqsad-bixinta oo waqti iyo lacag badan ku baxdo, cashuuraha oo qaali ah, tallaabooyinka la raaco oo adag, adeegyada aasaasiga ah sida korantada oo qaali ah, adeegyada daymaynta oo aan jirin.

laakiin taa bedelkeeda waxay warbixintu sheegtay in caasimadda Hargeysa ku horumartay ganacsiga ka dhexeeya waddamada jaarka ah oo wax ka yar bil qaata iyo dhoofinta,  amma soo dejinta ganacsi oo lacag yar lagu bilaabi karo, kuwaas oo ay kaga horreyso waddamo badan oo Afrika ah.

Qiimayntu waxay ku talisay in wax-ka-beddel wayn lagu sameeyo dhinacyada shuruucda ganacsiga, lana horumariyo laamaha dawladda si loo fududeeyo maalgashiga oo ay horyaallaan caqabado kala duwan, kuwaas oo caqabado ku ah ganacsiga iyo koboca dhaqaallaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay furitaankii bandhiga qiimaynta shirkaa ganacsiga, ayaa ku hambalyeeyey Baanka Aduunka qiimaynta ay ka sameeyeen ganacsiga Hargesa oo uu tilmaamay inuu faa’iido badan u yeelan doono kobcinta ganacsiga dalka. Waxa kale oo uu ku bogaadiyey mashaariicda kala duwan ee Bangiga Adduunku ka wado Somaliland.

Sidoo kale Agaasimaha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Belle Bird oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa sharraxaad ka bixisay mashaariicda Baanka Adduunku ka wado Somaliland iyo dhinacyada ay kala khuseeyaan, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiimad wayn u leeyihiin Somaliland, isla markaana ay iyagana ku dhiirigelinayaan inay la sii shaqeeyaan Somaliland.

Geba-gebadii kulankaa Madaxweyne xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Saylici) oo khudbad kooban ka jeediyey halkaa, ayaa sheegay inay dawlad ahaan aad usoo dhowaynayaan mashaariicda kala duwan ee Bangiga Adduunku ka samaynayo dalka.

“Mashaariicda Bangiga Adduunka aad baannu u soo dhawaynaynaa oo runtii wax ka qabanaya dhibaatada shaqo la’aanta ah ee dalka ka jirta oo maalin walba kumanaan da’yarteena ahina ay jaamacadaha ka qallin-jebinayaan. Waxaan Baanka Adduunka ka codsanaynaa in mashaariicdu noqdaan qaar si degdeg ah u midho-dhala, waayo waxaad mooddaa in mashruuca yar ee la bilaabaaba uu qaato muddo aad u badan, annaguna haddii aannu dawladda nahay aad baannu u soo dhawaynaynaa isbeddellada lagu samaynayo dhaqaalaheenna,” ayuu yidhi Mr. Seylici.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *