Hargeysa(ANN) Kulankii shirka dib u habaynta iyo tayaynta Booliska Somaliland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Huteelka Ambassador ee magaalada hargeysa ayaa maanta lasoo gebagebeeyay, waxaya ka qaybgalayaashu kasoo saareen qodobo wax ku ool ah oo dib loogu

 

habaynayo bilayska Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa gebegebadii khudbad jeediyey Shirweyniha Ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in aanay Ciidanka boolisku lahayn sharciyad dhammaystiran oo lagu hayo Siyaasadooda waxqabad, isla markaana waxa uu daboolka ka qaaday in Hoggaanadii Boolisku ay ku burbureen Dagaalkii hubbaysnaa ee lala galay Dawladdii dhexe ee uu Hoggaaminaayey Maxamed Siyaad Barre.

“Dalalka qaadhaan-bixiyayaashi ahi waa dalal hodan ah oo Xasiloon, waxay halkaas ku gaadheen Hoggaamiyennimo wanaagsan, hoggaankuna Shacabka ka soo dhex xusheen, Sharci iyo Xuquuqna leh ay Ixtiraamaan, dhammaantood Gacantaa ay fidinayaan ee ay Dalalka baahan u fidinayaan waxa ay ugu weyn ee ay ku Salaysan tahay Dunnidii ayaa is badeshay oo Tuullo noqotay qofka halkan (Somaliland), aynu ku Noolnahay ka Qufacaa, Madrid, London iyo Newyork ayuu saamayn ku yeelanayaa, sidaa awgeed Mucaawinimo kaliya maahee waanu isku baahanay oo Xasiloonida iyo Nabad-galyada ka dhalata Somaliland waxay raad ku leedahay Dunnida caalamka Koone ilaa Ka Koone. Sababtoo ah Bini’aadamkii wuu soo aruuray oo Diyaaradihii ayaa batay waana la isku soo wada dhawaaday, waxaana waajib noqotay in Nabad-gelyada meelkasta oo laga dhisi karo loogu taggo.
Somaliland 20-kii Sano ee ay Xorriyadeeda la soo noqotay, Nabad-gelyadeedu kor ayey u sii kacaysay, waa Dal ku nool Mandaqad Holcaysa, Dhiiggu uu qubanayo oo Xasilooni badani ka jirto oo Budhcadbadeednimada, Argagixisada iyo Xagjir-nimadu ku badan yihiin oo Beesha caalamku xal u weyday Muddo Labaatan sanadood ah. Anaga (Somaliland), waxaanu nahay Jaziirad yar oo Nabad-gelyo ah  oo ku dhex nool Xaalladaa adag, Jasiiradaasi waxa ay haysaa oo ay iibisaaa waa Nabad-gelyada, rajada ay doonaysay in ay ku gaadho Ictiraaf waa Nabad-gelyada, rajada ay Horumarka rabto inay ku gaadho waa Nabad-gelyada, rajada ay dawladdaha jaarkeeda kula noolanaysaa waa Nabad-gelyada, markaa Dadkaygu iyo Maamulkayagu waxaa aanu ogsoonahay inay Nabad-gelyadu tahay Shayga noogu qaalisan ee aanu wax welba u Hurayno, nabaed-gelyadaasu waxa ay ku salaysan tahay Tiirarkan soo socda.”
Hoggaan Siyaasadeed oo aaminsan in Khilaafaadka lagu Xalliyo wada-hadal iyo Isutaaasulka, mudadaa aanu jirnay sida aad ogtihiin waxaa na soo maray waxyaallo badan oo waxa aanu kaga gudubnay isu-tanaasul iyo nabad oo dariiqa ayaa la kala maray Xoog, Qab iyo Ismarin-waa  kumanaan Xallin. Waxa kale oo aanu ku Xallinay anagoo qaybta Hidaha iyo Dhaqanka suuban ee aanu leenahay oo Odayga madax-dhaqmeedka ah, Wadaadku uu ku leeyahay Xurmada bulshada, anagoo adeegsanay hab-dhaqankaygii iyo Maamulkii casriga ahaa ayaanu ku dhisanay  Hay’adahaygii madaxa banaanaa oo tusaale ahaan Baarlamaankayaga waxaanu ku dhisnay qayb casri ah oo Shacabku soo doortay iyo qaybtii Guurtida oo dhaqankii u taagan oo aanu is dhex gelinay ayaanu Guusha ku gaadhnay, waxaanan Nabad-gelyada sal uga dhignay waxa yar ee aanu haysano in aanu soo saarno ileen dal la Ictiraafsan yahay ma nihine oo Mucaawimo toos ah dalna kama helno oo waxa yar ee aanu haysano oo aan inteeda badan ku  bixino Nabad-gelyada, hadii Qof la Sasabaayo iyo hadii Nin loo caqli celinayo, hadii Hay’ad nabad-gelyo la keenayo, inteeda ugu faraha badan waxaanu ku bixinaaa Nabad-gelyada.
Hoggaankayagu waxa uu doortaa dhanka Debecsan oo ka Cadhoonaya uu dhanka kale geeyo isagoo Xasiloon. Hay’addaha amniga gudaha waxxa UDUB-dhexaad u ah Ciidanka booliska, booliskana waxa horyaalla Duruufo adag  dalkaa faqriya intooda badana Miyiga ayaa laga soo qoray oo Aqoon malaha, hoggaanadii wadi lahaa oo Daggaaladii kala duwanaa ee dalka soo maray ku burburay dagaaladaas dib u habbayna u baahan iyo Sharci la’aan ilaa imika haysata Ciidanka booliska oo aan lahayn Sharci boolis oo lagu haggo, waxaana horyaalla Duruufihii mandaqada adkaa oo Saacad walba baahidu Baahidu ay joogto tahay. Argagixisadu malahan Shaadh u gooniya, manalaha Midab gaara oo Gurigaaga ayuu joogaa    oo waa Inanka aad Addeerka u tahay, xaaladdaa adag ayuu  Saacad walba oo ay weliba u dheer tahay Shaqo la’aanta baahsan ee haysata Dadkeenna iyo Dadkii miyiga ka soo Qaxay oo Maaggaalooyinka waa weyn Nolol mooday, waxaas oo dhan ayaa is kaashaday waxa aad u kacay Dunuubtii Maggaalooyinka ka dhacaysay.” Ayuu yidhi Wasiir Gabboos
Dr. Gaboose waxa uu xusay inay Booliisku yihiin  kuwa  Hadh iyo Habbeenba iygoo  dhibaatooyin baddan qaba haddana Nabad-gelyada halkaas adag ku dhex taalla  ee dibad iyo gudaba ka jirta ku dedaalla inay ilaaliyaan, isagoo yidhi, “Dadweynahayagu waxa ay muujiyeen mudadaas dheer inay Indhihii iyo Dhegihii dalkan ay noqdaan, waxaana wax lagu Faano ah iyagoo wacyi-gelin badan la siin inay garteen inay ku xidhmaan Booliskooda, Kalsoonina ay ku qabaan, waxkasta oo la fashiliyey waxaan  qabbaa 80% inay Dadweynuhu ay soo sheegeen, ciidanka booliskuna uu lahaa Qabashada oo kaliya intaas oo shay oo isku dhisan oo Nabad-gelyada guud ah waxaan ku hakanayaa Ciidanka Booliska oo ah Shirkan maanta sidii ay Qaadhaan bixiyeyaaashu iyo Hay’addaha caalamiga ah ay gacan nooga siin lahaayeen inaanu helno Boolis dhisan, shacbigayagiina waxa uu doonayaa in Ilmaha yar Iskuullada tagayaa ee Garoonka kubada ku ciyaarayaa inuu ogyahay Il naxariis leh oo Ilaalinaysa oo Boolis loo yaqaano inay garabkiisa taagan nahay, xitaa hadii aanu arag.

Ninka ganacsadaha ah ee Dahabka iyo Lacagtu dibadaha u taallo inay ogyihiin oo aanay iyagu haysan Qori, Tooray iyo wax ay isku difaacaan, balse ay ogyihiin Il iyo Qalbi dhiiran oo Geesi ah oo u Naxariis badan kuna ad adag ka Dambiilaha ah waana Ciidanka Booliska. Dadweynuhuna wuxuu ka sugayaa inuu ku seexdo oo uu ku Shaqo tago oo uu la hawl-gallo Ciidan boolis ah oo iyaga ka dhashay oo iyaga u adeegaya.

Ciidanka booliska ah ee aanu doonaynaaa  waa Qof bini’aadam ah oo Shacbiga ka dhashay, waxaanu u dirnaa hawshii ugu xaasaasisanayd oo uu Naftiisa ku waayi karo, waxaanu jeclaan lahayn inuu garto Gurigii uu ka yimid Askarta oo Caruur badan Iskuulkoodii u hello, in hadii uu Xanuusado uu ogyahay inuu ku abtirsado Hay’ad xanaanaysa, hadii uu dhaawacmana aanu noqon Shimbirtii markii ay Baalasha lahayd la jeclaa, ee markii dambe laga dhaqaaqay.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu
Dhinaca kale waxa kulankaa oo socday mudo saddex maalmood ah laga soo saaray go,aamo wax ku ool ah oo ay ka qaybgalayaashu u arkeen inay lagama maarmaan u yihiin sidii loo heli lahaa Boolis tayo leh oo akhlaaqdiisu wanaagsantahay, isla markaana xidhiidh fiican la leh bulshada.
Sidoo kale waxa qorshaha shanta sannadood ee Bilayska hoosta laga xariiqay  in dib habayn lagu sameeyo habdhaqanka Booliska iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshada, isla markaana ay Boolisku helaan koorsooyin waxbarasho iyo daryeel caafimaad, taas oo ay qayb ka yihiin haweenka booliska ah. Waxa iyana waxyaabaha hoosta laga xariiqay ka mid ah xidhiidhka guddaha iyo debeda ee Booliska iyo in la horumariyo oo dib u habayn lagu sameeyo, isla markaana la helo telefoono xaaladaha deg dega ah iyo tababaro khaas ah oo la siiyo  qaybta baadhista denbiyada ee CID iyo qaybaha sirdoonka.
Waxa kale oo qodobada kasoo baxay shirkaa ee hoosta laga xariiqay ka mid ah wada shaqaynta  qaybaha Booliska iyo xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi ay yeeshaan  hay’addaha  oo dhami gaar ahaan qaynta cadaaladda. Iyadoo dib u habayn lagu samaynayo taliska guud ee bilayska Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *