Hargeysa(ANN) Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa qoraal ay ku  amartay hay’addaha dambi baadhista iyo xeer ilaalinta inay toddoba maalmood gudahood ku soo dhammaystiraan dacwadaha loo haysto Badhasaabkii Maroodi-jeex, Agaasimhii Dib u dejinta iyo La taliyihii Madaxweyne

 

xigeenka Somaliland, sadexdaa masuul  oo  u xidhan eeddo musuq-maasuq.
Sidoo kale  qoraalka amarka ah waxay maxkamaddu ku amartay Hay’addaha denbi-baadhistaeeda xeer ilaalinta gobolka inay muddo todobaad gudihii kusoo dhamaystiraa dacada loo haysto Boqor Buurmadoow oo xabsiga loo taxaabay 15 March. Kadib markii laga qabtay madaarka Hargeysa  isagoo kusoo laabtay dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Hargeysa Cabdirashid Maxamed Maxamud (Duraan), ayaa shalay qoraal amar ah oo dhammaystirka dacwadahaa la xidhiidha u kala diray hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da iyo xafiiska xeer ilaalinta gobalka Hargeysa, isagoo wargelin siiyay guddoomiyayaasha maxkamadaha sare iyo rafcaanka, waxaanu qoraalkaas oo uu nuxurkiisu ahaa amar soo dhammaystir laba dacwadood uu si adag ugaga digay inaan eedaysanayaasha lala sugin mudada u dambaysa ee uu xeerku jideeyay inay rumaan ahaadaan.
Guddoomiyuhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay maxkamadu hayso oo keliya warkii hore ee dacwaddaha loo haysto,  sadexdaa masuul iyo Boqor Buur-madaw,  balse ay weli ka sugayso hay’addahaa inay dacwaddahaa iyo eedaymaha la xidhiidha soo dhammaystiraan, si cadaaladda loo gaadho.
Qoraalka Maxkamadda gobolka Hargeysa u diray Qaybta Baadhista Denbiyada ee CID-da iyo  sidoo kale Xafiiska Xeer ilaalina gobalka Hargeysa,  oo shebekadda Araweelonews heshay nuqul ka mid ah, ayaa  u dhignaa sidan: -“Maxkamadda gobalka Hargeysa waxa hortaala labada dacwadood ee ciqaabta ah ee sumadahoodu kala yihiin: MGH/DDL/217/012 ee ay ku eedaysanyihiin:
1.                   Axmed Cilmi Bare (Ina Shuun Xaaji Maxamuud, 39 jir ah.)
2.                   Cismaan Siciid Jaamac (Ina Racwi Sulub, oo 40 jir ah)
3.                   Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamari (Ina Faadumo Xaaji oo 35 jir ah
4.                   Cabdishakur Cabdi Nuur (Ina Saado Muse oo 32 jir ah)
Kuwaas oo warkii hore ee dacwada lagu soo eedeeyay qodobka 20aad (Xubintiisa 3aad), oo lala akhriyo qodobka 3aad Xeer No:38/07 (xeerka ka hortagga ku tagrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa). Iyo dacwada kale ee sumadeedu tahay MGH/DDL/707/2011 ee uu ku eedaysanyahay eedaysane Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadoow)  kaasi oo ku eedaysan qodobada 452, 220, 231, 212, 45XCG.
Haddaba labadaas dacwadood oo aan dhammaystirnayn iyadoo maxkamadu ay hayso keliya warkii hore ee dacwada (first information) oo keliya, loona baahanyahay in la dhagaysto dacwadani, si cadaaladda looga gaadho, iyadoo ay waajib tahay in aan lala sugin mudada ugu dambaysa ee xeerku jideeyay inay rumaan ahaadaan garsugayaashu, maadaama ay dacwadahani yihiin qaar xaasaasi ah, una baahan in dhagaysigooda la dedejiyo, si cadaaladda loo gaadho.
Sidaas darteed maxkamadda gobalka maroodi Jeex ee Hargeysa waxay idinku amraysaa inaad muddo (7) maalmood gudahood ah ku soo dhammaystirtaan labadaas dacwadood, si ay suuragal u noqoto in la dhagaysto.” Ayaa lagu  yidhi qoraalka Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *